|
|||||
WAJAALE NEWS
Wafti Culus Oo Ay Horkacayaan Guddoomiyaha Iyo Xoghayaha Gobolka Maroodi-jeex Oo Kormeer Hawleed Ku Soo Maray Deegaano Ka Tirsan Degmada Daarasalaam
September 13, 2013 - Written by Wariye:Hargaysa(Wajaale News):-Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud Cali (Jeenya-yare), isla markaana uu ku weheliyo Xoghayaha gobolka Maroodi-jeex Xamse Ciise Cabdi, ayaa waxa ay Kormeer ku tageen deegaano hoos yimaada degmada Daarasalaam oo ka tirsan gobolka Maroodi-jeex. ay si hufan uga dhagaysanayeen waxyaabaha ay deegaanadaasi tabayaan iyo Caqabadaha ku gedaaman arrimaha Horumarinta. Mudadii ay Waftigani ku gudo-jireen u kuur-galida Xaaladaha nololeed iyo Maamul ee deegaanada hoos yimaada degmada Daarasalaam, ayaa waxay soo mareen Tuullooyinka Baligga cas, Beeyo baxday, Ilinta iyo Ceel Sheekh oo ahayd halkii ay ku soo xidheen socdaalkooda, halkaasoo ay Warbixino kaga dhagaysteen Odayaasha deegaanka Ceel-sheekh oo ah goob istaraajiya, isla markaana ku habboon xarun ganacsi. Waxa ugu horayn halkaas ka hadlay Guddoomiyaha tuullada Ceel Sheekh Colaad Cali oo ka xog-waramay deegaanka Ceel sheekh, halkaasoo uu sheegay inay ka jiraan dhibaatooyin fara badan oo dhinaca nolashada la xidhiidha, waxaanu daboolka ka qaaday inaanay mudadii ay Somnaliland jirtay aanay arag cid ka socota oo danaynaysa deegaankaas, waxaanu yidhi ?Deegaaka ceel-sheekh ilaa wakhtiyadii Ingiriisku joogay waxay ka tirsanayd gobolka Maroodi-jeex, balse gobolka Maroodi-jeex wuu iska ilaaway deegaankan oo intii Somaliland xorriyadeeda la soo noqotay waa kow Wafti ka socda Gobolka Maroodi-jeex oo yidhaahda Maxaad qabtaan? Arrintaasi waxan leeyahay waa sed, waxaan-se idin sheegayaa deegaankan Ceel-sheekh waxa uu ku jiraa go?doon oo Wado ma lihin, Biyo ma haysano, Waxbarashado Caruurtayadu ma helaan, Caafimaad ma jiro, dadkayagu ma footeeyaan oo doorashooyinka kama qayb-qaataan, waxaanu is waydiinaa waar Dadkani miyaanay Xuquuq lahayn. Dhibaatooyinka deegaankan ka jira ma dhamayn karo, balse Guddoomiye iyo Xoghaye fariintayada qaada oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland gaadhsiiya.? Ayuu yidhi Guddoomiyaha Ceel-sheekh. Chief Caaqil Caydiid oo isaguna ka mid ahaa Odayaashii kulankaas ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in deegaanka Ceel-sheekh ilaa 1991-kii ilaa maanta Xabadi kamay dhicin oo qaylo dhaan lagama soo sheegin, haddana Dadkayagu ma haystaan Waxbarasho, Caafimaad, Biyo, Wado, intaasoo dhan iska daayoo xitaa hadii dhibaato nagu timaado telefoon aanu ka soo hadalno ma haysano oo deegaankani malaha ateenkii shirkadaha telefoonada. Waxa isaguna halkaas ka hadlay Xoghayaha gobolka Maroodi-jeex Xamse Ciise Cabdi oo tilmaamay sida ay ugu heelan yihiin gobol ahaan inay dardar-gelin ku sameeyaan xidhiidhka wada shaqayneed ee degmooyinka hoos yimaada gobolka Maroodi-jeex, waxaanu garowshiyo ka bixiyey dhibaatooyinka ay Odayaashu sheegeen,balse waxa uu balan-qaaday in hawlahaas wixii kaga aadan ay dhaqaajin doonaan, waxaanu yidhi ?Waftigan aanu halkan ku marayno waxa hogaaminaya Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud Cali. Ujeedada socdaalkayaguna waxa uu ku saabsan yahay xogogaal u noqoshada deegaanada hoos yimaada degmada Daarasalaam oo ka tirsan gobolka Maroodi-jeex, si wacan ayaanu u dhagaysanay tabashadiina, laakiin waxaad ku bushaaraysataan inaan idinka qoob qaadi doonin, dhawaaqiinina aanu dawlada dhexe gaadh-siin doono.? Ayuu yidhi Xoghayaha gobolka Maroodi-jeex Xamse Ciise Cabdi. Waxa kulankaas xog-waraysiga ah soo xidhay Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud Cali (Jeenya-yare), waxa uu daboolka ka qaaday inuu tix-gelin dheeraad ah siin doono tabashooyinka ay tirsanayaan deegaanka Ceel-sheekh, waxaanu balan-qaaday inuu dawladda dhexena fariintooda gaadh-siin doono. Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay inuu ka hawl-geli doono sidii ay Wasaaradaha dalku uga shaqayn lahaayeen deegaankan, waxaanu dadweynaha ku dhaqan deegaankaas u soo jeediyey inay dedaalaan oo ay samaystaan Guddiyo firfircoon oo la shaqeeya Maamulka degmada Daarasalaam. Dhinaca kalena, waxa ay Masuuliyiintani kormeerkooda ku soo mareen jidka cusub ee laga dhisayo dawga-cad, kaasoo ay u Mahad-celiyeen Guddida hawshaas dawga-cad gacanta ku haysa, kuwaasoo ay Illaahay uga baryeen inuu ku guuleeyo dedaalkooda ay gashadeen mid ka mid ah waxyaabaha ugu Xasanaadka badan if iyo adduun-ba.
Wajaale News Hargeeysa Office wajalenews@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|