|
|||||
WAJAALE NEWS
Wadanka Liberia oo Muujiyey in Somaliland Buuxisay Shuruudaha Dal Lagu Aqoonsan Karo.
September 20, 2013 - Written by Wariye:Dubai -(Wajaale News)– Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta oo uu xaalad caafimaad u joogo kula kulmay safiirka wadanka Liberia (Laybeeriya) u qaabilsan Imaaraadka Carabka Ambassadoor Arun Pancharia. Safiirka dalka Liberia u fadhiya Imaaraadka Carabta, ayaa madaxweyne-ku-xigeenka u sheegay in Jamhuuriyada Somaliland u qalanto aqoonsi, marka la eego horumarka iyo degannaanshaha ay muujisay muddadii 22-ka sanno ahayd Somaliland ka madaxbannaanayd Soomaaliya. “Waxa aan ballanqaadayaa in dalkayga Liberia samayn doono wax kasta oo aannu ku taageeri karno in Somaliland hesho xaqa ay u leedahay inay ka mid noqoto dalalka Qarammada Midoobay,” ayuu yidhi safiirka Liberia u fadhiya Imaaraadka Carabta oo la hadlayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland. Ambassador Arun Pancharia oo ah diblomaasi saamayn xooggan ku leh Afrika iyo Khalliijka Carabta, ayaa sidoo kale la-taliye u ah siddeed madaxweyne oo Afrikaan ah, isagoo sidoo kale ah taajir maalgashi xooggan ka sameeyey ilaa 20 wadan oo ku yaal qaarada Afrika, iyadoo taageerada siyaasadeed ee uu u muujiyey Somaliland tahay mid qiimo culus ku fadhida. Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo in muddo ah xaalad caafimaad iyo nasasho ah u jooga dalka Imaaraadka Carabta, ayaa safiirka Liberia uga mahadceliyey taageerada uu u fidiyey Somaliland, isagoo xusay in xidhiidh fiicani dhexmari doono dalalka Somaliland iyo Liberia. Md. Saylici, ayaa sidoo kale hore dalka Imaaraadka ugula kulmay safiirka wadanka Niger u fadhiya Isu-taga Imaaraadka Carabta, iyadoo labada dhinac isla soo qaadeen sidii xidhidhiid diblomaasiyadeed u dhexmari lahaa dalalka Somaliland iyo Niger. Dalalka Liberia iyo Niger ee madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland diblomaasiyiintooda kula kulmay Imaaraadka Carabta, ayaa ka mid ah wadammada ku yaal galbeedka Qaarada Afrika. Wajaale News Related posts:DAAWO ; Qaarkamida Culimo Aw Diinta Gobolka Gabiley Oo Fariin Duco iyo Dardaarana UDirtay Madaxway... Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ee Telesom Oo Casho Sharaf Ku Maamuustay Ciyaaryahanadii Ku Ciyaa... Agaasimaha Arimaha Bulshada Iyo Nadaafada Ee Dawlada Hoose Gabiley Oo Si wada jir ah U Gubay Cunto... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|