Ururka SODRA Oo Magaalada Gabiley Ku Qabtay Barnaamij Wacyi-galineed Oo Ku Saabsan Tahriibka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururka SODRA Oo Magaalada Gabiley Ku Qabtay Barnaamij Wacyi-galineed Oo Ku Saabsan Tahriibka.
September 21, 2013 - Written by Wariye:

Gabiley(Wajaale News):- Ururka SODRA ayaa magaalada Gabiley ku qabtay
barnaamij wacyigalineed oo ku sabsan Tahriibta iyo sidii ay
dhalinyaradu uga taxadiri lahayd aafadan ugana feejignaan lahayd.

ururka soorsan
Xaflad lagu falanqaynayey barnaamijkan wacyigalinta  ayaa ka dhacay
Hoolka dawladda Hoose ee Gabiley, iyada oo ay ka soo qayb galeen
masuuliyiin badan oo ka mid yihiin Maayarka degmadaasi Shucayb Maxamed
Muuse, Badhasaab ku xigeenka Cali Cabdi C/laahi, Wasiirkii hore ee
ganacsiga Somaliland Abiib Xasan Filfil, Xildhibaan Maxamed Amiin
Cumar oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee Gabiley iyo xubno
ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada.
Guddoomiyaha ururka SODRA Axmed Maxamed Shaqalle oo halkaasi ka hadlay
ayaa ka waramay dhibaatada ay dhalinyarada u leedahay tahriibtu iyo
sida loogu baahan

yahay in laga taxadiro, isaga oo xusay inay ku han
weyn yihiin inay dhalinyaradu wax ku qaadato dhacdooyinkii hore ee ay
ka arkeen dhalinyaradii ka horeysay.
“Dhibaato badan ayey dhalinyarada u leedahay tahriibtu waxaana loo
baahan yahay in laga taxadiro, laguna cibro qaadato dhalinyaradii hore
waxa ka qabsaday oo aanay wax faa?iido ah ka soo noqon, waxaanan ku
han weynahay inaad wax ku qaadataan, waxaanan ku han weynahay in
barnaamijkan oo kale gobolada dalka oo dhan ka qabano” ayuu yidhi
Guddoomiyaha SODRA.
Maayarkada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse oo isna halkaasi ka hadlay
ayaa ku dheeraaday hawlaha dhalinyarada looga baahan yahay inay dalka
ku soo kordhiyaan iyo caqabadaha dhalinyaradii ka horeysay ay ka soo
gudbeen isaga oo kula dar daarmay in aanay dhalinyaradu tahriibin
iyaga oo aan taariikhdii dalka iyo heerarkii kala duwanaa ee la soo
maray dib u eegin.
Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee ganacsiga Somaliland
Abiib Xasan Filfil, Xildhibaan Maxamed Amiin Cumar, Badhasaab ku
xigeenka Cali Cabdi C/laahi oo halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantood ku
dheeraaday sida loogu baahan yahay inay dhalinyaradu dalka aaminaan oo
aanay ka tahriibin.
Gabogabadii xaflada waxa madasha shahaadooyin lagu guddoonsiiyey
masuuliyiin ay ka mid Maayarka degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse,
Badhasaabka iyo ku xigeenkiisa, Xildhibaan Amiin Cumar, Xoghayaha
Dawladda Hoose iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Gabiley

 

Wajaale News

Hargeysa Office

COMMENTS
LINKS