Ugaaska Guud Beelaha Sacad Muuse Oo Ka Hadlay Shirka Beeshiisa, Sheegayna Inaanay Jirin Wax Kala Qaybsanaana Oo Ka Jirta Shirkaas. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ugaaska Guud Beelaha Sacad Muuse Oo Ka Hadlay Shirka Beeshiisa, Sheegayna Inaanay Jirin Wax Kala Qaybsanaana Oo Ka Jirta Shirkaas.
September 4, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa(Wajaale News):- Ugaaska guud ee Beelaha Sacad Muuse Ugaas Ibraahin Axmed Kaahin (Jilba-dhige), ayaa ka hadlay halka uu marayo shirkii Hodaale ee Beeshaasi oo loo qoondeeyey in lagu qabto deegaanka Agabar ee Waqooyiga Hargeysa, waxaanuu sheegay inuu shirkaasi dhowaan si toos ah u bilaami doono oo isagu ku dhawaaqi doono todobaadka soo socda.

Ugaas Jilba-dhige oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa waxa kale oo uu sheegay inaanay jir wax kala qaybsanaan  ah oo shirkaasi ka dhex

jirta, isla markaana ay qoladii hadashay ahaayeen qayb yar oo beesha ka mid ah oo aan loo baahnayn inay hadlaan, waxaanuu ugu baaqay Dadweynaha beesha Sacad Muuse inaanay maqlin dadka warxumo tashiil ka ah ee sheegaya wararka aan waxba ka jirin.

Ugaaska guud ee Beelaha Sacad Muuse Ugaas Ibraahin Axmed Kaahin (Jilba-dhige), waxa kale oo uu sheegay inay qaban qaabada shirkaasi si wanaagsan u socoto oo aanay jirin wax caqabad ah oo hortagan iyo kala qayb sanaan toona, waxaanuu ugu baaqay in la taageero dadka shirkaasi sida wanaagsan u wada ee mideeyey beeshaasi.

Ugaas Jilba-dhige oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi ?Shirkaas arrintaas aad maqasheen waxba kama jiraan wax  khilaaf ah oo shirka beesha sacad Muuse ka jiraa ma jirto,  shirkuna wuu soconayaa oo wuu dhacayaa waanuu dhow yahay,  hawshii ayaa la  wadaa muddo dhowna aniga ayaa ku dhawaaqi doona, wax ka xumina ma jiro oo waa meel qudha oo dadku heshiis ku yahay, nimanka hadlay ee la idiin sheegay waa niman qayb ah oo gaar ah,  markaa kuwaas ayuunbaa hadlay manay ahayn inay hadlaane meel ayey ka dheceen, waxaanan leeyahay ka waaqsada wixii aan dadka qaban,  ninka diidan in shirka Sacad Muuse uu mid qudha noqdo oo mid qudha la tago,  ninka diidanaw meel aad ku noolaan doonto mooyi,  haddii aad labadii aan u soconay ee  baaba?ay doonayso mid qudha ayaa la helay oo lagu midaysan yahay, Umadda soo raac midaysan  adaanay kuu taallaa oo anagu caytamina mayno,  aniga oo Ugaaskii reerka ah oo shirka hogaamin jiray oo xogogaallna ah  ninka hadlayaw sida aan wax u ogahay wax u sheegi maayo,  shirkuna wuu qabsoomayaa oo waa loo ducaynayaa cidda  dhex dhexaad ka noqoray ee shirkaas dhalisay ee dhex dhexaad ka noqotay ee aduunkeedii ku bixisay aad ayaanu ugu ducaynaynaa shirkana waa looga dhex ducaynayaa,  waxaanan leeyahay Sacad muuse ka gudaha jooga iyo ka dibedda joogaaba ha ku soo talo galo shirka wanaagsan ee midaysan ee dhowaanta dhici doona, kaas oo todobaadka inagu soo socda lagu dhawaaqi doono, aniga ayaana ku dhawaaqi doona oo shirkii waa la fasaxay odhan doona sidaas ogaada oo cidda waxaas wadda dhag ha u dhigina soona duceeya oo ka soo qayb gala ayaan leeyahay arrin iyo aduunba, sidaas ayaan idinka codsanayaa, waxaas khilaaf ah ee la sheegayaana wax jira ma aha oo cidda ila joogtaa waa cidii guddida ahayd, aniga oo Ugaaskii beesha ah oo shirkana ku baaqi doona, waxa shaydaanku sheegayo dhago looma dhego waxa runta ah ayaa la aqbalaa, docka yeedhka lama maqlee sidaas ogaada oo shirkii wuu dhacayaa dhowaan

 

Wajaale News

Office Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
LINKS