Tolow Saleebaan Gaal ma Gu’baa u kordhay mise Garaad: Suldan Maxamed Suldaan Xirsi Qani | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tolow Saleebaan Gaal ma Gu’baa u kordhay mise Garaad: Suldan Maxamed Suldaan Xirsi Qani
September 3, 2013 - Written by editor

Tolow Saleebaan Gaal ma Gu’baa u kordhay mise Garaad: Suldan Maxamed Suldaan Xirsi Qani

sul

Hargeisa-(Wajaale-news)-Suldaanka Guud ee Beelaha Habaryoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani ayaa ka fal celiyey ama aragtidiisa si farshaxnimo leh uga dhiibtay weedho ku jiray hadal dhawaan Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Ggaal ka jeediyey Munaasibad lagu daah furaayey shirkad kallumaysi oo Hargeysa lagaga dhawaaqey.

Saleebaan Gaal oo munaasibadaas hadal ka jeediyey ayaa wuxuu yidhi “Siyaasadda dalkani maanta khilaafaad uma baahna, waa dal yar oo jiray 23 sanadood, weli maynaan gaadhin dawlad maamusha dal faqiira”.

Yeelkeede Suldaan Maxamed Sudlaan Xirsi qani oo ka felcelinaaya weedhaas iyo kuwa la mida oo ku jiray hadalka Saleebaan Gaal ayaa soo saarey qoraal gaaban oo goor dhaweyd soo gaadhey xafiiskaWajaalenews Hargeysa wuxuuna u dhignaa sidatan:-

Ilaahay baa mahad leh oo mudan in loo mahadnaqo,mahadnaqaas ka dib waxaan akhriyey Wargeyska Ogaal cadadkiisii 2058 ee soo baxay 02/09/2013,Markiiba waxay indhahaygu ku dhaceen Cinwaanka sare ee khudbadii Saleebaan Maxamuud Adan ka jeediyey xafladii Ambasador Hotel,Cinwaankaas oo ahaa siyaasada dalkani maanta uma baahna khilaafaad,markiiba waxaan isweydiiyey “Tolow Saleebaan ma gu’baa u kordhay mise Garaad”,maxaa yeelay hore loogama baran saleebaan inuu xaqdhawro dawladihii (xukumadihii) hore u soo maray dalkeena Somaliland sida uu u xaqdhawrayo dawladan(Xukumadan) maanta jirta!.

COMMENTS
LINKS