SONYO Iyo Akaademiga ADEM Oo Dirays U Qaybiyay Ardayda Wax Ka Barata Dugsiga Cabdilaahi Cabdi Shube Ee Xaafadda Daami. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
SONYO Iyo Akaademiga ADEM Oo Dirays U Qaybiyay Ardayda Wax Ka Barata Dugsiga Cabdilaahi Cabdi Shube Ee Xaafadda Daami.
September 30, 2013 - Written by editor

Xukuumaddu Waxa Ay Barbar Taagan Tahay Dadaal Kasta Oo Lagu Horumariyo Ubadkeena? ?.. Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan

?Himilooyinka Akaademiga ADEM Waxa Ka Mid Ah Dhallinyaro Wax Baratay Oo Aqoontooda Ku Horumariya Dadkooda Dhibaataysan? ?? MR Liibaan Ismaaciil Maxamuud.

Hargeysa (WJN)- Akaademiga Horumarka Iyo Waxbarashada Beelaha La Hayb Sooco Ee ADEM iyo Dalladda Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa xaflad ballaadhan waxa ay dugsiga Cabdilaahi Cabdi Shube ee xaafadda Daami ku wareejiyeen dirayska ardaydu dugsigaasi u xidhaan oo ay dalladda SONYO ugu tala gashay in la siiyo ardayda wax ka barata
dugsigaasi.

Xaflad ballaadhan oo Maanta lagu qabtay xarunta dugsiga Cabdilaahi Cabdi Shube ee xaafadda Daami waxa ka soo qayb galay Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, La Taliyaha madaxweynaha ee arrimaha Bulshada Barkhad Jaamac Xirsi, xildhibaano ka socday golaha deegaanka Hargeysa, Agaasimaha Fulinta ee dalladda SONYO iyo Boqor Axmed Ugaas Iimaan oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Beelaha La Hayb sooco iyo Md. Liibaan Ismaaciil Maxamed. 

Xafladda Guddoonsiinta Dirayskan oo ay ku deeqeen dalladda Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayna soo qaban qaabiyeen Akaademiga ADEM waxa ugu horrayn hadalo kooban halkaasi ka soo jeedisay Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo mahad-naq ballaadhan u soo jeedisay Dalladda SONYO ee iska xil saartay masuuliyaddan ballaadhan iyada oo ugu baaqday in dalladdu dadaalkeedaasi halkaasi ka sii waddo.

Waxa kale oo Wasiirka Waxbarashadu ammaan u soo jeedisay dhallinyarada aqoonyahanka ah ee Akaademiga ADAM iyo macalimiinta dugsiga Cabdilaahi Cabdi Shube oo ay ku guubaabisay in ay dadaalkooda sii laban laabaan iyada oo dhammaanteen masuuliyadani inaga saaran tahay ubadkeenaa yaryar ee ka soo jeeda dadka danyarta ah ee xaafadda Daami, Wasiirka oo faahfaahin ka bixisay sida ay ka xukuumad ahaan iyo ka wasaarad ahaanba u barbar taagan yihiin horumarinta dugsigan iyo guud ahaan xaaladda waxbarasho ee xaafadda Daami.

?SONYO kaalintoodii ayay ka soo baxeen. Waxa wax lagu farxo ah ubadkaa yaryar ee aad arkaysaan sida ay u dhisan yihiin diin ahaan iyo cilmi ahaanba. Ilaahay haka abaal mariyo dhammaan ciddii ku tacabtay waxaanan ballan qaadaynaa in aanu macalimiinta garab is taagno?.

Intaa kadib waxa isna madashan hadalo kooban ka soo jeediyay La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada Md. Barkhad Jaamac Xirsi oo faahfaahin dheer ka bixiyay sidii dugsigan loo aasaasay iyo sida ay doonayaan in looga midho dhaliyo himilada ay akaademiyadda iyo dugsigani leeyihiin oo ah in tacliinta si weyn loogu dadaalo si ubadka yaryar ee xaafaddan loogu diyaariyo in ay qayrkood kula tartamaan waxbarasho iyo aqoon.

Xildhibaan Caga yare oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa oo isna xafladdan hadalo ka soo jeediyay ayaa ballan qaaday ka Gole Deegaan ahaan in ay laba macalin oo ka tirsan macalimiinta dugsiga Cabdilaahi Cabdi Shube ay mushaharkooda bixin doonaan iyada oo buu yidhi Maayarka Caasimadda Hargeysa ballan qaaday in wax kasta oo karaankooda ah ay xaafaddan ku tari doonaan dhinacyada arrimaha bulshada.

Agaasimaha Fulingta dalladda SONYO Md Siciid Maxamed Axmed ayaa isna faahfaahin ka bixiyay ujeedada ay ka lahaayeen in ay ardayda dugsiga Cabdilaahi Cabdi Shube ku gargaaraan dirayska ay ardaydu xidhaan si ay sannad dugsiyeedkan ugu tagaan dirays cusub isaga oo agaasimuhu xusay in ay ardaydaasi u tahay dhiirri gelin si loo kobciyo maskaxdooda loona jeclaysiiyo waxbarashada isaga oo ammaanay macalimiinta iyo maamulka dugsiga ee sida mutadawacnimada ah isaga xil saaray in ay ubadkoodan yarar wax baraan.

Agaasimuhu waxa uu ballan qaaday in deeqdani aanay noqon doonin tii ugu dambaysay ee ay wax kasta oo karaankooda ah la barbar taagan yihiin. ?Ilaahay dadka isaga ayaa wada abuuray, waanu xurmeeyey ma jiro cid cid ka wanaagsani, kaliya waxa lagu kala fadli badan yahay taqwada iyo alla ka cabsiga.

Waxa aynu u baahanahay dhammaanteen xukuumadda dhexe, golayaasha deegaanka iyo dalladda SONYO in aynu iska kaashano sidii dhallinyarada iyo ubadka yararba wax loogu qaban lahaa? ayuu yidhi Agaasimaha SONYO Md Siciid Maxamed Axmed isaga oo halkaasi dirays ay xidhan karaan 150 arday ku wareejiyay Wasiirka Waxbarashada iyo Akaademiga ADEM oo iyaguna ku sii wareejiyay Maamulka Dugsiga C/laahi Cabdi Shube.

Mr Liibaan Ismaaciil Maxamuud iyo Maamulaha Dugsiga Cabdilaahi Cabdi Shube ayaa iska daba maray oo ka sheekeeyey maraaxilkii uu dugsigani soo maray iyo ardaydii tirada yarayd ee lagu bilaabay iyo heerka uu maanta marayo iyaga oo ku baaqay in dadaalkaasi aan waxba kaga hagran ee waxa walba la hortaagan yihiin.

Waxa ay ku dheraadeen ahmiyada ay waxbarashada uleedahay bulshada islamarkaan waxay xaafada daami ugu baqeen in aanay daglin aqoontaas maanta taagan ee si wanaagsan waxa ubartaan iyaga oo sidu uu sheegay liibaan ardaydaas waxa dhigataa lala hor taagan yahay waxa kasta oo ay ubaahdaan.

Waxa kale uu liibaan sheegay inaan ardaydaas wax aka dhigata iskuulka aan ilaa haatan oo gaadhaysa saddex sano aan waxa lacag ah laga qaadin oo la doonayuun in ay waxa dhigtaa taas oo sida uu sheegay lagarb taagan yihii hiil iyo hooba.

Sidoo kale mr liibaan waxa uu carabka ku dhuftay una soo jeediyey dadka ku dhaqan xaafada daami in ay ka faa,iidaysto jaaniska waxa barasho ee horyaal,waxa uu liibaan ka shekeyey in hada laga baxay qabiile ee qalinkaagu waxa kuu goyn doono islamarkaan waxa uu bulshada daami dagan ugu baaqay in ay ka faa,iidaysato jaaniska.

Boqor Axmed Ugaas Iimaan, xildhibaano iyo Masuuliyiin kale ayaa iyaguna si isku mid ah waxa ay uga hadleen baahida loo qabo in ubadka yarar ee xaafadda Daami gacan laga siiyo sidii ay u heli lahaayeen waxbarasho iyaga oo sheegay in la haysto wakhti dadku soo jeedaan oo wax la wada qabsan karo sidaa darteed loo midoobo xukuumad ahaan iyo shacab ahaanba horumarinta xaafadda Daami.

 

 

 

WAJAALE NEWS DISK OFFICE

 

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS