Somaliland Oo Sheegtay In Hakadka Ku Yimid Duulimaadyadii Ethiopian Airline Aanay Waxba U Dhimi Doonin Xidhiidhka Labadda Wadan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Oo Sheegtay In Hakadka Ku Yimid Duulimaadyadii Ethiopian Airline Aanay Waxba U Dhimi Doonin Xidhiidhka Labadda Wadan
September 14, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa (Wajaale News) – Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in Talaabadda ay qaadatay Diyaaradda Ethiopian Airline, aanay waxba u dhimi doonin Xidhiidhkii Soo Jireenka ahaa ee Somaliland iyo Ethiopia.
Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda, ahna Ku Simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Mawliid Maxamuud Ibrahim oo u waramayay Warbaahinta ayaa sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia uu yahay mid aad u fiican.

Xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia waa

ka ugu wanaagsan ee aynu la leenahay dal caalamka, sababta aynu taas u leenahay waxa ay tahay waxa aynu Ethiopia ku leenahay Safaarad weyn oo shaqaysa, waxaanan xuduud dheer la wadaagnaa dalka Ethiopia, waxaana inaga dhexeeya xidhiidh wanaagsan oo saddexdii biloodba mar la qabta, waxaana ay labadda wadan kala saxeexan doonaan xidhiidh ganacsi iyo dhaqaale kaas oo heer Wasiir ah.? Ayuu yidhi

Waxa uu intaasi ku daray in isu socodka dadyoowga labadda wadan ay marayaan meel fiican isla markaana Shacabka reer Somaliland dalka Ethiopia ay ku galaan iyaga oo aan wadanin wax dal ku gal ah.

Mar uu si toos ah uga hadlayay bal xidhiidhka labada wadan caqabadda ay ku keeni karto hakadka ku yimid duulimaadyadii diyaaradda Ethiopian Airline waxa uu yidhi ?Wax alaale wax ay ku keeni kartaa ma jirto xidhiidhka labadda wadan, anaguna hadii aanu dalka Somaliland uga masuul nahay wixii ku saabsan arrimaha dibadda meel alaale meel aanu ku hayno wax xidhiidh ah oo xumaaday ma jirto, ayuu yidhi.

Wajaale News

Hargeysa Office

wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS