Somaliland Oo Kaalinta 13-aad Ka Gashay Sahamin Lagu Sameeyey 44 Waddan Oo Afrika Ah. Warbixin Xiiso Badan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Oo Kaalinta 13-aad Ka Gashay Sahamin Lagu Sameeyey 44 Waddan Oo Afrika Ah. Warbixin Xiiso Badan.
September 14, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa(Wajaale News):- Sahamin lagu sameeyay 44 Waddan oo ka tirsan 50-ka dal ee Afrika oo ku saabsan sida ay dal kasta dadkiisu ugu qanacsan yihiin noloshooda, siyaasad ahaan, dhaqaale iyo bulsho ahaanba, ayey Jamhuuriyadda Somaliland ka gashay kaalinta 13-aad.

Daraasaddan ama sahaminta lagu sameeyey 44-ka dal ee ka tirsan 50-ka waddan ee qaaradda Afrika, oo ay samaysay Waaxda Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha noocan oo kale ah oo lagu magacaabo UN Sustainable Development Solutions Network, taasoo uu aasaasay ama curiyey Xoghayaha guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa Ban Ki-moon, ayaa warbixinta ay soo saartay waxa lagu sheegay inay sahamintaa si layaab-leh ugu soo baxeen dalal ka tirsan Afrika oo aan laga filaynin heerka ay soo gaadheen.

Warbixinta Sahamintan laga soo saaray ayaa lagu sheegay in dalka kaalinta koowaad ku guulaystay yahay waddanka Angola oo noqday dalka koowaad ee dadkiisu ku qanacsan yihiin nolol ahaan, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Halka kaalinta labaad iyo saddexaadna ay galeen dalalka Mauritius iyo Aljeria, marka loo eego warbixinta sahamin sannadkan 2013 lagu sameeyey 156-ka waddan ee dunida oo Isniintii inna dhaaftay la shaaciyey.

Sidoo kale, Warbixinta ay Hay’addani ka soo saartay sahaminta ay ku samaysay 44-ka dal ee Afrika, ayaa lagu sheegay in dalalka sida layaabka leh uga soo dhex-mudhay sahaminta la sameeyey ay ka mid yihiin Somaliland, Zimbabwe iyo DR Congo, kuwaasoo warbixinta lagu xusay inaan la filayn heerka ay sahaminta ka galeen inay soo gaadhi karaan, taasina ay tahay arrimaha cajiibka noqday ee sahamintaas lagu ogaaday. Waxaanay Jamhuuriyadda Somaliland ku guulaysatay inay kaalinta 13-aad ka gasho 44-ka waddan ee sahamintaas lagu sameeyey. Halka waddammada qaar laga filayey inay soo gaadhaan kaalmaha ay galeen khibrad ahaan iyo koboca dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay hoggaamiyeyaashoodu samaynayaan marka loo eego.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Kontonka dal ee Afrika shanta waddan ee ugu hooseeya lagu soo bandhigi doono sahamin sannadka soo socda ay Hay’addani samayn doonto. “Waxa si layaab leh u soo baxay oo sahamintan lagu ogaaday goobo iyo dalal sida Somaliland, Zimbabwe iyo DR Congo meesha fiican ee ay soo gaadheen, halka kuwa kale oo hela dhaqaale ka badan ama ka qanisan saddexdaa waddan ay meel hoose ka galeen sahamintan sida Botswana, Senegal and Tanzania.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warbixintan ay soo saartay Hay’adda the UN Sustainable Development Solutions Network.

Shaxda 44-ka Waddan ee Sahaminta lagu sameeyey ee ay Hay’addaasi soo saartay waxay u dhignayd sidan:-

1. Angola    23. Sudan
2. Mauritius    24. Sierra Leone
3. Algeria    25. Congo (Brazzaville)
4. Libya    26. Egypt
5. Nigeria    27. Burkina Faso
6. Ghana    28. Mali
7. Zambia    29. Liberia
8. Mozambique    30. Niger
9. South Africa    31. Gabon
10. Lesotho    32. Malawi
11. Morocco    33. Chad
12. Swaziland    34. Botswana
13. Somaliland    35. Madagascar
14. Zimbabwe    36. Senegal
15. Tunisia    37. Comoros
16. Mauritania    38. Guinea
17. Djibouti    39. Tanzania
18. Congo (Kinshasa)    40. Rwanda

Wajaale News
Hargeysa Hargeysa
wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS