Somaliland Iyo Israaiil (Qaybtii 1AAD) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Iyo Israaiil (Qaybtii 1AAD)
September 14, 2013 - Written by Wariye:

  cabdale-daahir-aadan m    Qalinkii  Garyaqaan Cabdale Dahir Adan

               Bartay Aqoontaka Xeerarka

                            10/09/2013

© Xogta qormadan waxaa ay u dhawrsan tahay oo iska leh Cabdale Dahir

Tan iyo malintii wasiirka cusub ee wasaarada arimaha dibada wadankeena Somaliland Maxamed Biixi Yoonis xilka loo magacaabay, waxaa si toosa u soo if-baxaayay xidhiidhka dadban ee tooska ah ee ka dhexeeya, wadankeena Somaliland iyo Israaiil, kaas oo hada maryaa, meelihii ugu wanaaganaa, waana waxa lagu faano, oo la taageero, lana sii kobciyo oo halkaa laga ii wado.

Waxana taariikhda ku cad, in Israaiil ay tahay qarankii ugu horeeyay, ee aqoonsada Qarankeena Somaliland 26/6/1960kii, markaas oo aynu, ka hoos-baxnay Maxmiyadii Boqortooyada Ingiriiska.

Hadaba aniga oo si balaadhan, ugu soo ban dhigi doona, mugdigana hadii eebe yidhaa ka saaro doona,  soona ban dhigi doona cadaymo, aan laba cali ku murmin, iyo dhan-baalo la is dhaafsaday, iyo amintii uu bilawday xidhiidhkani, iyo qaabka uu u bilawday, waxa aan rabaa in ay aad uga bogabtaan bulshada reer Somaliland iyo qofka uu dhan-balkani gaadho,waxana aan ku bilaabayaa, in aan kuu kala hor-mo-galiyo, waxana aan ka duuli doonaa qodobadan.

 Somaliland iyo Israaiil dul-ka-xaadis kooban

Maxay wadaagan ama ku kala gadisan yihiin labada qaran

Gormuu bilawday xidhidhka dadban ee labada qaran

Danta Somaliland iyo xidhidhkaas

Danta Israaiil iyo xidhiidhkaas

Muranka ka dhexeeya Israaiil iyo Carab

Diin iyo dan aduunyo

Qodobadaas baa gun u noqon doona, qormadan oo aad u balaadhan, se aan isku dayi doono in aan aad iyo laxaad aan u soo koobo, aniga oo mar kasata ka duulaya in aan xogo badan aan qariyo, waayo waqtigeedii lama gaadhin, iyada oo qodobkan ay ku dheehantahay, xanaf diimeed, oo dad ay rabaan in ay ku awr kacsadaan, se waxa jiraa intaas waa ka qoto dheer yahay.

Somaliland Iyo Israaiil Dul-Ka-Xaadis Kooban

Somaliland waa qaran, waayo badan soo maray, mar uu gacan kale ku jiro, iyo mar uu qaran kale waxa la wadaago, iyo hada oo uu yahay qaran aan cid kale waxa la wadaagayn, waanad ka wada dharag-san tihiin, taas oo dib idiinku celin mayo. Dhabtuna waa taas manta gayiga geeska afrika ka muuqata, oo qof kasata oo dagmadaas raba in uu qalinkiisa waxa kaga qoro, aanu Somaliland sacab ku qarin karin, iska daa taase waxa ay gaadhay in magacyo badan oo qaarkood adunka ka can yihin loogu yeedho, sida  Sheekada guulaysatay ee afrika  iyo Africa’s best kept secret, kuwaas oo si dhaba daaha uga faydaya, xogta dhabta ah ee ka jirta Somaliland ,kuna dar dhamaan qodobadii lagu wada heshiiyay ee ka soo baxay wadahadalada Somaliland Iyo Somaliya, oo si cad loogu qeexay in ay wada galeen heshiisyadan Dawlada Somalilanda Iyo Dawlada Fadaralka Somaliya, isku soo wada xooriyoo, qarankeenu waa taabo qaaday, waxana uu marayaa manta, heer si dhaba uu gadh-wadeen uga noqdo, madasha adunka ee lagu lafa-guraayo, arimaha geeska afrika, in la tiriyo, oo layidhaa ku dar-adiguna talada, hadaba dul-ka- xaadiskaas aan intaas ku soo dhaafo, oo aan u gunda-dago, wadanka Israaiil isagana.

Wadanka Israaiil waa qaran lagu dul-dhisay qaran kale, waxa dawlada Israaiil lagu  dhawaaqday madaxbanaanideeda 1948,  waxa ay se manta joogta dawlada ka mida 18ka wadan ee Adunka ugu tunka wayn, hadii ay tahay aqoon ahaan iyo farsamada casriga ahaba, waan wadan ka dhex muuqda wadamada bariga dhexe, se ku can baxay, muranka ka dhexeeya iyaga iyo Falastiiniyiinta, se murankaas hoos ban ku xusi doonaa halka uu ka soo unkamay, wadanka Israaiil waa wadan manta saamayn weyn ku leh, aduunka siiba bariga dhexe, iyo wadamada kulaalaya bariga dhexe, taas baa keentay in Somaliland Iyo Israaiil, mid kastaa u arko kan kale in ay leeyihiin dan-kulanyo, oo dantaas ka wada shaqeeyaan, mid kasta oo labada wadana uga shaqayn lahaa in uu kan kale dantiisa u baylahda uga dhabo.

Maxay wadaagan ama ku kala gadisan yihiin labada wadan

Waxa muuqata in ay wadaagaan qodobadan hoos ku xusan

1-     Waa laba wadan oo go’doon dadban kaga jira wadamada ay ood-wadaagta yihiin, se uu ka dhexeeyo xidhiidh dadban oo toosa, oo gaadhay heer aqoonsi dadban.

2-     Waa laba wadan, oo tayo aqooneed, kaga mudh baxay, wadamada ay ood-wadaagta yihiin.

3-     Waa laba wadan oo daganaanshe siyaasadeed oo dhabi ka hana qaaday

4-     Waa laba wadan oo dheer wadamada ay ood-wadaagta yihiin dimuqraadiyada dhaba oo ka hana qaaday, halka wadamada kale wali aanay gaadhin, halkaas.

5-     Waa laba wadan oo ku kala yaala laba goobood oo aad u mudan, midi waxa ay ku taalaa dhanka woqooyi ee bada cas, waana israaiil, halka Somaliland ku taal dhanka koonfureed ee bada cas, waan labada iridood oo laga maamulo galida iyo ka bixida bada cas.

6-     Waa laba wadan oo xidhiidh qoto dheer kala dhexeeyo wadamada, reer galbeedka, si gaarana u naas-nuujiya labada wadan, haba ugu gacan-weynaadan, wadamada Maraykanka iyo Boqortooyada Ingiriskuye.

7-     Waa laba wadan oo si dhab, u iib-gayn yaqaan qadiyadooda, kuna adag jiritaankooda, iyo in ay ku guulaystaan ujeedooyinka ay leeyihiin.

Intaas waa inta sida cad u muuqata, se waxaa jira qodobo ay ku kala gadisan yihiin, oo ay ugu mudan yihiin.

1-     Wadanka Israaiil, waa qaran lagu dul-dhisay qaran kale, oo la yidhaa falastiin.

2-     Waadanka Israaii, waa qaran ay si dhaba uu uga dhexeeyo nacayb gaamuray, wadamada ay ood-wadaagta yihiin, kaas oo salka ku haya arinka dhulka la isku hayo,

3-     Wadanka Somaliland waxa, si dhaba uu nacayb gaamuray uga dhexeeyaa waa wadanka Somaliya, se inta kale waxa kala dhexeeya, xidhiidh tolnimo.

 Goormuu bilawday xidhiidhka dadban ee labada wadan

Goorta iyo habka uu ku bilawday xidhiidhka u dhexeeya wadankeena Somaliland iyo Israaiil, iyo dhanbaalkii ugu horeeyay, ee la is dhaafsaday, waxa si cad u qeexaysa warqadan uu Madaxweyne Cigaal u diray Raysal-wasaarihii Israaiil Yitshak Rabin, tirsigeeduna yahay, SLR/PO/ISPMI/7/95, taas oo ka soo baxdey xafiska madaxweyne Cigaal, isla markaan uu ku sexeexan yahay Cigaal.

lasoco Qayta 2aad Oo Aad U  X iiso Badan

 

Wajaale News

Hargeysa Office

wajalenews@gmail.com

Wariye C/Qaadir C/Raxmaan Habane

COMMENTS
LINKS