|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkii Beesha Sacad Muuse Oo La Soo Gabagabeeyay Iyo Qoddobadii Ka Soo Baxay
September 27, 2013 - Written by Wariye:
Shirka Hoodaale ee Beelaha Sacad Muuse 26/09/2013 Madasha Agabar Midnimo-wadajir- Iskaashi Tirada Beelaha Sacad Muuse 12 Tirada Ergooyinka 750 Shirguddoonka Shirka 11 xubnood Baaq, Taageero iyo Talo soo jeedin:- 1. 1. Shirweynaha Beelaha Sacad Muuse wuxuu si buuxda u garab taagan yahay jiritaanka Somaliland 2. Shirka Beelaha Sacad Muuse wuxuu taageero siinayaa Halganka ka midho-dhalinta Ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland 3. Shirka Beelaha Sacad Muuse wuxuu taageero buuxda siinayaa Hogaanka Dawladnimo iyo Hab-raaca Doorashooyinka ee uu ku qotomo dhismaha Qaranka Somaliland 4. Shirka Beelaha Sacad Muuse waxa Saldhig u ah adkaynta Nabadgelyada 5. Shirweynaha Beelaha Sacad muuse wuxuu ku baaqayaa in wixii khilaafaad ah lagu dhameeyo wadahadal iyo is af-garad 6. Shirka Beelaha Sacad Muuse wuxuu xoojinaya wada noolaanshaha iyo is dhex-galka beelaha Somaliland ee walaalaha ah gaar ahaana Beelaha Ood-wadaagta ah 7. Shirka Beelaha Sacad Muuse wuxuu soo jeedinayaa Da’yarta iyagu isk leh mustaqbalka dalka inay ka waantoobaan Halaaga tahriibka 8. Shirku wuxuu soo jeedinayaa in arrinta Ceel bardaale lagu dhameeyo Wadahadal, Nabadgelyo iyo sifo sharci ah 9. Waxa shirka beelaha Sacad Muuse lagu dhisay Guddi Horumarineed oo u adeegi doonta Horumarinta Beesha Wajaale News Wariye:Abdiqadir Abdiraxman Habane Related posts:Warbixin:- Waxyaabaha Uu Salka Salka ku Hayo Damaca Madaxweyne Deni Ee Galaaftay Gudoomiye Dhoobo Iy... DAAWO;Barnamijka Aragtida Siyaasiga Ee Royal Tv Iyo Xildhibaan Axmed Yaasiin Shekh Cali Ayaanle. Hal Qof Oo Ku Geeriyooday Mullaacad Uu Ka Shaqaynayay Oo Ku Duntay Iyo Ciidanka Dab damiska Oo Gurma... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|