Shirkada Shidaal Baadhista Genel Energy oo Qalabkii,Agabkii iyo xamaantoodiina maanta ka rartay Burco+halkay u daabuleen oo la aadeen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkada Shidaal Baadhista Genel Energy oo Qalabkii,Agabkii iyo xamaantoodiina maanta ka rartay Burco+halkay u daabuleen oo la aadeen
September 6, 2013 - Written by editor

Shirkada Shidaal Baadhista Genel Energy oo Qalabkii.Agabkii iyo xamaantoodiina maanta ka rartay Burco+halkay u daabuleen oo la aadeen!

gen

Burco-(Wajaale-news)-Shaqaalihii shirkada shidaal baadhista ee Genel Energy ayaa mar kaliya maanta si lama filaana uga soo baxay xarumihii sahanka shidaal baadhista ay ka wadeen iyo maagalaada Burco oo ahayd xarunta ay deganaayeen.

 

Waxaana maanta duhurkii mar kaliya ay bulshada magaalada Burco ay ka war heshay kolonyo gaadiid tira badan oo siday qalabkii iyo agabkii ay istcimaalayeen mudadii ay wadeen hawsha shidaal baadhista oo ku sii jeeday magaalada Berbera ,halkaas oo xogaha Wajaalenews heshay tibaxayaan inay ka kiraysteen Geerash weyn oo ay ku sii xafitaan gaadiidkooda,Qalabka iyo agabkii sahanka shidaalka iyo weliba xamaantoodii kale ee ay Burco ka soo rarteen.

Bixitaanka shaqalaha Shirkada Genel Energy ayaan ilaa hadday la ogeyn sababta rasmiga ah ee bixitaankeeda keentay xiligani balse waxa hadana ilaamayo shalay soo baxaysay hadal haynta inay dalka ka baxayaan ka dib markii ay ka soo guureen Kaamkii  Naq-dhabiijo oo ahayd  fadhiisinka ugu weyn ee laga hagayay shaqaalaha kala gadisan ee shidaal baadhista ka waday goobo kala duwan.

Geesta kalena Xukuumada Somaliland ayaa iyadu afka ka daboolatay oo aan weli ka hadlin xaaladan cusub ee la soo deristay Genel Energy ee ku khasabtay inay dalka si degdeg ah uga baxaan inkastoo sida xoggo hoose oo Warfidiyeenada Qarannews soo ururiyeen sheegayso in musuqmaasuq baahsan, wax isdabamarin iyo is-qabsi weyn oo ka dhex oogmay maamulka Somalida ee Genel Energy East Block iyo madaxda sare ee Genel Energy iyo laba Kaanbaani oo kale oo midna xagga amniga (Olive Group) qandaraas ku haystay, halka kan kalena (Tasla) hawsha baadhista shidaalka qandaraas lagu siiyey.

Isku soo wada duuboo Bixitaanka shaqalaha shirkada shidaal baadhista Genel Energy ayaa Ku Soo Beegmaysa xili Maalintii shalay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID shaaciyay in shidaal baadhista dalka laga wada ay tahay mid ay wadaan shirkado sharci daro oo ah oo calooshood u shaqaystayaal, waxaana si wayn loo wada eegi doonaa jawaabta xukuumada Siilanyo ka bixin doonto arintani iyo weliba burburka heshiiskii ay sheegtay inay hore ula galeen shirkadaha shidaal baadhista wada.

 

 

 

Wajaale News Desk

BURCO OFFICE

Contact Us : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS