Shirkada Diyaaradaha Juba Air Ways Ayaa Maanta Duulimaadyadeedii Si Rasmiya Uga Bilawday Madaarka Magaalada Hargeysa Iyo Wasiirka Duulista Oo Ka Hadlay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkada Diyaaradaha Juba Air Ways Ayaa Maanta Duulimaadyadeedii Si Rasmiya Uga Bilawday Madaarka Magaalada Hargeysa Iyo Wasiirka Duulista Oo Ka Hadlay
September 4, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa(Wajaale News):-wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta ka hadlay diyaarada Juba Air Ways oo duulimaadyadeedii ka bilawday garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo maanta goob joog ka ahaa diyaarada Juba Air Ways oo ah diyaaradii sadexaad ee duulimaadyadeeda ka bilawda madaarka caasimada ayaa waxa uu sheegay inay diyaaradahani sii wadi doonaan duulimaadyadooda.


0in 10pt”>Ugu horayna Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland  oo ka hadlaya  imaatinka diyaarada Juba Airways ayaa waxa uu sheegay inay farxad u tahay inay diyaaradani duulimaadyadeedii ka bilawdo garoonka caasimada waxaanu yidhi ? runtii arintani waa guul wayn oo u soo hogatay umadan iyo qarankan Somaliland iyada oo markii ugu horaysay mudo 55 sano ah ay ka soo dagaan diyaarado noocan ah oo ka yimaada Dubai,Jideh,Addis Ababa iyo Nairobi kuwaas oo ah nooca loo yaqaan p737-300,400,800 shirkadaha Daallo,Juba iyo Ethiopian Airline oo diyaaradahan keenay aad ayaan uga mahad naqayaa, Juba Airways-na maanta ayey bilawday duulimaadyadeedii waxaanan rajaynaa inay sidooda u socdaan? ayuu yidhi wasiirka Duulista Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey ?xukuumadan waxa ka go,an inay bulshadeeda ugu adeegto si hagar la,aan ah iyo inay dalkan ka hir geliso horu mar laxaad leh anaga oo ilaahay iyo dadkayaga la kaashanayna, mana aha guul uu shakhsi kaliya helay balse waa guul u soo hoyatay shacabka Somaliland.

Wasiirka duulistu waxa uu sheegay inaanay jirin wararka sheegaya inay diyaaradaha ku amreen inay dhimaan rakaabka ama shiidaalkooda  iyaga oo u baqanaya Run-Wayga cusub ee garoonka waxaanu yidhi ?ma jirto inaanu diyaaradaha  ku nidhi soo dhima rakaabka iyo shiidaalka, diyaaradaa maanta timid ee Juba Air Ways  waxay kala kacaysaa garoonka 160 rakaab ah  iyada oo aanu hal kursi ka banaanayn, Daallo iyo Ethiopian Air Line sidaas oo kale wax is dhin ah oo ku yimid ma jirto manaanu ku amar inay dhimaan shiidaalka iyo rakaabka toona.

 

Wajaale News

Office Hargeysa /Somaliland

COMMENTS
LINKS