Shirka Beesha Sacad Muuse Oo Si Rasmi Ah Uga Furmay Degmadda Agabar+Daawo Sawiradda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirka Beesha Sacad Muuse Oo Si Rasmi Ah Uga Furmay Degmadda Agabar+Daawo Sawiradda
September 23, 2013 - Written by editor

halkan ka daawo sawiradda shirka beesha sacad Muuse oo manta si rasmi ah uga bilaabmay degmadda agabar ajandaha shirka iyo khudbadihii kala duwanaa:

Shirweynaha dhaqan oo ay leedahay beesha degta Waqooyiga, Galbeedka iyo Oogada caasimadda Somaliland ee Hargeysa (Sacad Muuse), ayaa si rasmi ah maanta uga furmay degmada Agabar ee Gobolka Gabilay kadib markii dhawaan laga heshiiyey khilaafyo dhawr jeer dib-u-dhac ku sababay.

Shirweynahan oo ka dhacaya goob ballaadhan oo ka kooban ilaa 500 miter isku wareeg ah oo ka kooban hoolka shirka, meelo loogu talogalay in lagu cunteeyo, kuwo fadhiyada xilliyada nasashada ergooyinka loogu talogalay, qaar la seexdo, musqulo iyo goobo maydhasho, kuwaas oo loo kala habeeyey qaabab casri ah, waxa ka qaybgalaya ergooyin tiradooda lagu sheegay 700 qof oo kala matalaya beelaha Sacad Muuse, kuwaas saddex maalmood oo uu socon doono ku falanqayn doona ajande madasha lagu soo bandhigay.

Shirweynaha oo uu furay Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Sul. Cabdiraxmaan Sul. Cabdillaahi, waxa xafladda loo sameeyey ka qaybgalay guddiga shirka hagaysa, salaadiinta beesha, guddiyo mus-dambeed u ahaa qabashada shirweynaha, cuqaal iyo ergooyinka ka qaybgalaya.

Ugaas Ibraahim Axmed Kaahin oo degaankiisa shirku ka dhacayo iyo Suldaan Jaamac Cismaan, ayaa hadallo soo dhawayn iyo duco ah ka jeediyey furitaankii shirka, iyagoo sheegay in shirkan oo ay si buuxda ugu midaysan yihiin beelaha oo dhami uu taariikh cusub u unkayo beeshooda, isla markaana meesha ka saaray xantii ahayd in aanay shiri karin. Waxaanay ergooyinka iyo shirguddoonka shirka hagayaba ugu baaqeen in natiijo midho-dhal ahi ka soo baxdo.

Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Sul. Cabdiraxmaan Sul. Cabdillaahi oo shirweynaha ka jeediyey khudbad dheer oo uu ku furay, ayaa sheegay in ay maalin wayn u tahay beeshiisa oo ay uga wayn yihiin oo keliya maalmaha Ciidaha diinta Islaamka iyo maalinta Qaranimada Somaliland, waxaannu mahadceli ballaadhan u jeediyey Alle (SC), cid kasta oo door muhiim ah ka soo qaad oo ay ugu horreeyaan guddi ganacsto reerka ka tirsan oo isku xilqaamay xallinta khilaafkii hore.

“Aniga oo ku hadlaaya magaca saldannada guud ee faca wayn leh ee karaamadiina xambaarsan ee beelwaynta degta inta u dhaxaysa Bisiqa ilaa Banka Qaydar ama Xarshin ilaa Xeeb ama Subulaha ilaa Saaxil, haddii aan si kale u dhigana degan mandaqada saddexda waddan ee ugu qiimaha badan Geeska Afrika oo kala ah Somaliland, Jabuuti iyo Itoobiya, waxaan halkan uga soo kacay doorka ugu muhiimsan ee dhaqan ee aad iga sugayseen, waafaqsana sooyaalka taariikhda saldannada guud iyo sida dhaqanku yahay maanta oo taariikhdu tahay 23/09/2013, waafaqsana 18-ka bisha Dulqacida ee sannadka 1434 si rasmi ah ayuu shirku inoogu furan yahay, waxaanan ku furayaa maskax iyo qalbi furan, farxad iyo Qur’aanka Cadadkiisa,” ayuu yidhi Suldaan Xasan.

Waxa kale oo Suldaanku kula dardaarmay beeshiisa inay xoojiyaan midnimada, wax-istarka, is-ogaanshaha dhexooda, horumarinta dad iyo duunyaba, ilaalinta qaranimada dalkooda iyo xoojinta walaalnimada beelaha kale ee ay derisyada yihiin ama wada nool yihiin.

Guddoomiyaha Shirguddoonka shirweynaha Sheekh Almis Yaxye Xaaji Ibraahim oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in shirkani ku salaysan yahay in beeshu ka tashado wixii if iyo aakhiraba u dan ah, taas oo aan cidna lagu cabudhinayn, isla markaana aan cidna xaq ay leeyihiin lagu duudsiyeyn, xaq beeshu leedanahay ay ku raadsanayso.

Sheekh Almis waxa uu halkaasi ku soo bandhigay qodobada uu ka koobnaan doono ajandaha shirweynaha beesha Sacad Muuse, kaas oo ka kooban shan qodob oo kala ah; warbixinno, soo jeedimo iyo fikrado is dhaafsi ergooyinku xaaladaha dad iyo duunyaba ee degaannada ay ka kala yimaadeen, adkaynta midnimada iyo wadajirka beesha, adkaynta iskaashiga iyo wax-wadaqabsiga beesha, xoojinta ku dhaqanka diinta Islaamka iyo dhaqanka suubban iyo daryeelka iyo horumarinta degaannada beesha.

Waxa kaloo furitaankii shirka beesha ka hadlay salaadiinta kala ah Suldaan Ismaaciil Sul. Cabdiraxmaan, Suldaan Axmed Nuur Samaale iyo Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle, Maxamed Cabdi Ismaaciil (Digtoorka) iyo Guddoomiye-ku-xigeenka shirguddoonka shirka Chief Caaqil Cabdiraxmaan Xasan Xoorre, kuwaas oo dhammaantood farxad ku tilmaamay qabsoomida shirka beeshooda, una mahadceliyey Ilaahay iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay.

 P1030209
P1030192
P1030297

P1030296
P1030224
P1030193
P1030295
P1030294
P1030286
P1030279
P1030278
P1030271
P1030266
P1030235
P1030242
P1030254
P1030257
P1030233
P1030232
P1030220
P1030193
P1030194
P1030195
P1030200
P1030199
P1030198
P1030197
P1030196
P1030201
P1030202
P1030204
P1030205
P1030214
P1030206
P1030212
P1030210
P1030208
P1030218
COMMENTS
LINKS