Sawirka Todobaadka: Baashe Morgan iyo waftigii Wasiirada ahaa oo dawlada Imaaraadku ay qaabishay. Daawo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sawirka Todobaadka: Baashe Morgan iyo waftigii Wasiirada ahaa oo dawlada Imaaraadku ay qaabishay. Daawo
September 6, 2013 - Written by editor

 

waxa sidoo kale kulankaasi iyo qaabilaadaasi ka mid ahaa wiilka uu madaxweyne Siilaanyo sodoga u yahay ee la yidhaa Baashe Cawil Moorgan oo aan wax xil ah ka haynin xukumadda Siilaanyo

 

Dubai,(Wajaale news)- Waxa maanta si heer sare ah ay dawlada Imaaraadku u qaabishay waftigii Somaliland ee dalkaasi kaga qayb galaayay shir balaadhan oo loo qabanyo dalka Somaliya oo lagaga hadlaayo arimaha budhcad badeedka, kaasi oo ay ka soo qayb galayaan hay’ado caalami ah iyo dalalka deeqda bixiya iyo dhamaan madaxda Somaliya oo ay ka midtahay Somalilannd

Waftigani oo ka kooban laba masuul oo xilal ka haya xukumadda Siilaanyo oo kala ah wasiirka arimaha dibada Somaliland mudane Maxamed Biixi iyo wasiirka caafimaadka mudane Xaglo-toosiye, waxa sidoo kale kulankaasi iyo qaabilaadaasi ka mid ahaa wiilka uu madaxweyne Siilaanyo sodoga u yahay ee la yidhaa Baashe Cawil Moorgan oo aan wax xil ah ka haynin xukumadda Siilaanyo, hase ahaatee isagu maamula wasaarada arimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah, taasi oo uu adeegsado awoodo qarsoon, tan iyo intii madaxweyne Siilaanyo loo doortay in uu noqdo madaxweynaha Somaliland, waxana uu Mr Baashe si fiican gacanta ugu hayay wasiirkii hore ee arimaha dibada Maxamed C/lahi Cumar, kaasi oo ay ka digo rogteen.

Waxana uu mr Baashe xiligani uu daboolka ka qaaday oo uu muujiyay awoodiisii qarsoonayd ee ku hagi jiray wasaarada arimaha dibada ee Somaliland isaga oo hada aad ku aragtaan sawirkani hoos yaala isga oo kulankii maanta ka qayb qaadanaaya, waxana waftiga uu Baashe Morgan hogaaminaayo ay la kulmeen madax ka tirsan dawlada Imaaraadka oo uu hor kacaayay wasiir ku xigeenka arimaha dibada ee Imaaraadka, iyo madax sarsare oo wasaaradaasi ka mid ah sidoo kale waxa ay la kulmeen ganacsato iyo shirkado waa’weyn oo xiisaynaaya Somaliland.

Sawirkina waa kan ee daawo
BaasheMorgan6
Isku soo wada duuboo wasiirka arimaha dibada ee Somaliland waxa aynu ka sugaynaa xilka uu mr Bashe Moorgan uu ka hayo wasaarada wasaarada arimaha dibada sidoo kale waxa Siilaanyo looga fadhiyaa in uu shicibkii soo doortay u sheego xilka uu wiilka uu sodoga u yahay uu ka hayo xukumadda Somaliland.

 

 

Wajaale News Desk

 

Contact Us : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS