Qaraxyo Ismiidaamin Ah Oo Goordhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Qasaare Nafeed Oo Ka dhashay Qaraxaasi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaraxyo Ismiidaamin Ah Oo Goordhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Qasaare Nafeed Oo Ka dhashay Qaraxaasi.
September 7, 2013 - Written by Wariye:

Muqdisho(Wajaale News):-Qaraxyadaan Ismiidaaminta ah Ayaa waxaa Ay Kadheceen Guriga Hooyooyinka iyadoona Ay Dad Aad Ufarabadan Ay Ku waxyeeloobeen.

Qaraxa Kowbaad Ayaa waxaa uu Ka dhacay Goob Gawaarida Lagu Baakimo iyadoona Qaraxa Labaad Uu isna Kadacay Isla Goobta Meel Aan Ka Fogeyn Oo Ah Goob Galinka Hore Gawaarida La dhigto Galinka Dambane ay Dhalinyada Ku Ciyaraan Kubadda Cagta.

Qasaaraha Ayaan Si dhab Ah Loo ogaan Karin Balse Qasaaraha Nafeed Ee Goobtaasi Laga Soo Sheegayo Ayaa Haatan waxaa Ay Caga Cageynayaan Illaa 7 Ruux Oo Halkaasi Ku Nafwaayay Halka Ay Ku Dhaaawac Meen Illaa 15 Ruux Oo Dhamaan tood Ra´yid Ahaa.

Dowladda Soomaaliya Ayaan illaa Iminka Kahadlin Qaraxyadaasi Ismiidaaminta Ah Oo Aan La Ogoyn Sababta Dhabta Ah Ee Kadambeysay In Goobtaasi

La isku Miidaamiyo Mana Jirto Koox Sheegatay Waloow Qaraxyada Nuucaani Oo Kale Ah Looga Bartay In Ay Fuliyaan Kooxda Shabaab.

Wajaale News Kala Soco Wixii Warar ah Ee Ka soo Kordhaa qaraxyadaasi

 

 

Wajaale News

Office Hargeysa /Somaliland

COMMENTS
LINKS