Qalab iyo Agab ay leedahay Genel Energy oo loo xanibay Qandaraasleyaal Reer Burco ah +Wasiiro qadiyada Genel Energy u tegi doona London-UK | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qalab iyo Agab ay leedahay Genel Energy oo loo xanibay Qandaraasleyaal Reer Burco ah +Wasiiro qadiyada Genel Energy u tegi doona London-UK
September 8, 2013 - Written by editor

Qalab iyo Agab ay leedahay Genel Energy oo loo xanibay Qandaraasleyaal Reer Burco ah +Wasiiro qadiyada Genel Energy u tegi doona London-UK

gen

Wajaalenews-(Hargeisa)-Xoggo isa soo taraaya oo ka soo kordhaaya Axwaasha shirkada Genel Energy ee geediga ku jirtay ayaa Wajaalenews u xaqiijiyey in shirkadu tan iyo shalay subax ku mashquulsan yihiin furfurista Kaamkoodii ugu weynaa oo ay ka taageen Tuulada Naq-dhiibijo oo dhacda duleedka Koofur-bari ee magaalada Burco.

Hase yeeshee sida xoguhu sheegayaan Shirkada Genel Energy oo weli qalab iyo agab  ay leedahay ku sii sii hadhsan yihiin Burco ayaa waxaa hadheeyay cabashooyin badan oo ka soo burqanaya qolyahay qandaraas-hoosaadyada ku naasnuujinayeen oo qaarkood sheeganayaan in lacagi ka raacday.

Sidoo kale waxaa jira cabashooyin badan oo ka soo yeedhaya shaqaale iyo ciidan ilaalo ah oo wax ka maqan yihiin inkastoo la sheegay inay shaqaalahan lacagtoodu ku maqan tahay qolyaha (Maxalliga) ee qandaraas-hooseedyada la siiyey.

Waxaa taas barbar socota Qandaraasleyda oo ku andacoonayaan in loo xanibo ama loo xayiro qalabka iyo agabka Shirkada Genel Energy ee weli ku hadhsan magaalada Burco,qalabkaas oo la filaayey in shalayba loo daabulo Berbera balse murankaa qandaraasleyda wadaniga ah loo xanibay.

Tu kalena waxaa iyaguna cabasho xoogan qaba dadkii ay shirkada Genel Energy degaanadooda, Beerihii iyo dhirtiiba ka xagaaftay ee xukumada Siilanyana ugu bushaareysay,kana dhaadhicisay in shidaal iyo kheyraad qaali ah oo ay dhiisha faqriga ku jebiyeen degdeg iyo sanad gudahii loogu soo saari doono.

Arimuhu si kasta ha murugsanaadane waxaa Bulshoweynta reer Burco iyo Somaliland-ba isweydiinayaan  waxan kelifay in shirkada Genel Energy si sanqadh yar oo  degdeg u laalaabato, qalabkeedan u gurato iyadaan ogeysiin iyo cudur daara toona sheegin.

Geesta kale xoggo isa soo taraya ayaa sheegaya in xukumada Siilanyo ogeyd,haddana og tahay sababta keliftay in shirkada Genel Energy qunyar iska laalaabato iyadoo la ogyahay siday dabada uga riixaysay iyo siday dalka ku timi,basle waxay xukumada Siilanyo kala bakhayshay inay u soo bandhigto bulshada shirkadan ay mudada dheer koolkoolinaysay ee ay sanka ka gelinaysay ee ay wareegtooyinka ka soo saartey in cidii Il qaloocan ku fiirisa talaabooyin  ad-adag laqa qaadi doono, islamarkaana isku dhacyo iyo iska horimaadyo dhacay loo aanaynaayo markii ay iyadaan wax wargelina sameyn degaano badan cagafyo iska gelisay oo kaymihii xagaaftay.

Isku sooo wada duuboo waxaa jira Xoogo dheerada oo sheegaya in wasiirada arimaha debeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiirka macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaale oo labadooduba hadaa ku sugan Imaraadka Carabta (UAE) si degdeg ah maalmaha fooda inagu soo haya ugu baqooli doonaan dalka UK oo ah halka uu ka soo baxay amarka shirkada GENEL ENERGY dalka kaga baxday inkastoo aan rajo buuran laga qabin inay wax ka tari karaan arintaas.Tu kalena wasiirka arimaha gudaha Warancae ayaa shalay daaha ka feyday inaan shirkada Genel Energy dalka uga guurin amaandaro ama nabadgelyo xumo balse u nisbeeyay amar debeda kaga yimi.

 

 

Wajaale News Desk

 

Hargeisa Office

 

COMMENTS
LINKS