Qaar Ka Mida Odayaasha Degmada Oog Oo Musuq Maasuq La Xidhiidha Raashinkii Mucaawinada Ku Eedeeyey Maamulka Degamdaas | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaar Ka Mida Odayaasha Degmada Oog Oo Musuq Maasuq La Xidhiidha Raashinkii Mucaawinada Ku Eedeeyey Maamulka Degamdaas
September 3, 2013 - Written by Wariye:

Oog (Wajaale News)- Odayaal iyo waxgaradka soo jeeda deegaanka oog ee gobolak Saraar ayaa eedo la xidhiidha musuq maasuuq raashin loo waday degamda Oog la xidhiidhay maamulka degmadaas.

Laba boqol oo kiish oo loogu tala galay dadka deegaankaas ayey sheegeen inay iibsadeen maamulka degmadu, iyaga oo noo sheegay inay ka badheedheen iibsiga raashinkaas, isla markaana ay ku micneeyeen in xal loogu raadinaayey shaqaaqadii dhawaan ka dhacday deegaanka Oog.

Cabdinaasir Cabdilsaan Ibraahim Oo khadka Telephone aan kula xidhiidhay oo ka mida odayasha deegaanka ayaa ii sheegay in maamulka degamada Oog ay shaarciyada magaalada ku iibsadeen raashinka loogu tala galay

dadka reer guuraaga ah ee ku sugan deegaankooda, waxaanu intaas ku daray in raashinka la iibsday uu dhan yahay kala badh intii degmada loogu tala galay oo ah boqol kiish

Mar aan waydiiyey sababta keentay in raashinkan sida uu sheegay loo iibsaday si badheedha waxa ay tahay waxa uu ii sheegay in lagu sheegay dhaqaale kabis in looga dhigaayo dhibaatadii ka dhacday deegaanka Oog, taas oo kharashkii xalinta khilaafkaas labada degaan ee Caynaba iyo Oog mid kastaba la saaray inay soo bixiyaan kharashkaas qayb ka mida.

Sidoo kale waxa aan waydiiyey kharashka xalinta khilaafka inay iska lahayd dawladu iyo inay iska lahaayeen maamulka degmooyinkaasi, waxaanu iigu jawaabay inay tahay arrin ay iska maamusheen maamulka degmada Oog.

Ugu danbayntii odayaasha deegaankaas oo qaar ka mida aanu la hadanay ayaa noo sheegay inay sharaf u hayaan wasiirka arrimaha gudaha iyo waftigii uu hogaaminaayey, isla markaana aan ceeb loo jeedin waftigaas, raashinkaasna aan loo iibin kharash xal looga dhigaayo shaqaaqada halkaasi ka taagnayd, balse ay rag gaari iska iibsadeen oo ay lunsadeen.

Odayaasha sidaas noo sheegay ayaa kala ah

1.      Cabdinaasir Cabdisalaan Ibraahim

2.      Muuse Xaaji Dirir Xirsi

3.      Cabdi Ducaale Bulaale

4.      Maxamed Yuusuf Jaamac

5.      Xasan Cali Xaashi

6.      Maamed Jaamac Nuur

7.      Xasan CAbdi Cabdule

8.      Cabdilaahi Saalax Muuse

9.      Maxamed Aadan Faarax

10.  Maxamed Jaamac Guuleed

Geesta kale maamulka degmada Oog aanu kula xidhiidhnay khadka Telephone si aanu wax uga ogaano eedaha loo soo jeediyey nagu dafiray inay yihiin maamulkii degmadaas.

 

Wajaale News

Office Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
LINKS