|
|||||
WAJAALE NEWS
Profosor Samater Ayaa Dadaal Weyn Ugu Jira Sidii Uu Galaydh Ugu Qancin Lahaa Qadiyada Somaliland Warbixn
September 4, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa-(Wajaale News)-Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in siyaasiga Axmed Ismaaciil Samatar bilaabay dhex-dhexaadin uu ku soo jiidayo Cali Khaliif Galaydh oo ka mid ah xubnaha sidda weyn uga soo horjeedda Qadiyada Somaliland. Warar aan la xaqiijin ayaa tibaaxaya in Xukuumadda Axmed Siilaanyo dabacsanaan u muujisay, islamarkaana waqtigan Cali Khaliif Galaydh oo ka niyad-jabay ololihii uu ugu jiray Soomaaliweyn ay doonayso inay soo xero-geliso. Arrintan oo aan cadayn ilaa hadda waxaa la tibaaxay in uu hawshan gadhwadeen ka yahay Axmed Ismaaciil Samatar oo ay muddo Cali Khaliif wadda joogeen gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, islamarkaana waqtiyadii hore isku mawqif ka ahaayeen qaddiyadda Madaxbanaanidda Somaliland oo uu dhawaan Samatar u soo noqday. Wararku waxaa ay sheegayaan in aan Prof Samatar kali ku ahayn dadaalka soo xero galinta Cali Khaliif, Balse ay ku jiraan rag ruug cadaa ah oo kasoo kala jeeda Muqdisho iyo Garowe oo saaxiib dhow la ah Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo. Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda ma jirto Il Rasmi ah oo rumaysay jiritaanka warkan inta aan la gaadhinba jawaabta Cali Khaliif ka bixiyay dedaalkan. Cali Khaliif waxaa uu ka mid ahaa raggii hore ee beelaha Sool iyo Sanaag Bari uga qayb-galay shirarkii lagu aas-aasay Somaliland sagaashamaadkii, balse waxaa uu goor danbe u dibadbaxay dagaalkeedda.
Wajaale News Office Hargeysa/Somaliland Wariye C/qaadir C/raxmaan H abane Related posts:DAAWO; Ujeedada Kulan Uu Wasiirka Ganacsiga Iyo maalgashiga Caalamiga ahi la yeeshay Ganacsatada Go... Daawo-Prof-Axmed Ismaciil Samater Oo Gaadhay Deegaanka Tukaraq iyo Dardaaranka Uu U Jeediyey Ciidama... CDG; Xarunta Maamul Wanaaga Iyo Dimuqaadiyada Oo Ka Hadashay Heshiiskii Xisbiyada Iyo Xukuumada Jsl. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|