|
|||||
WAJAALE NEWS
Olole Nadaafdeed Oo Iska Kaashadeen Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Iyo Dowlada Hoose Ee Laascaanood Oo Maalintii Labaad Ka Socda Magaaladaasi.
September 2, 2013 - Written by Wariye:Laascaanood(Wajaale News):-Olole Nadaafdeed Oo Iska Kaashadeen Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Iyo Dowlada Hoose Ee Laascaanood Oo Maalintii Labaad Ka Socda Magaaladaasi iyadoo qorshuhu uu yahay in looga nadiifiyo qashinka magaaladaas oo xarun u ah gobolka Sool.
Sheekh Siciid Axmed Cadar oo ka mid ah guddiga horumarinta bulshada ee gobolka Sool oo lahaa hawlgalkan abaabulkiisa ayaa sheegay in nadaafadda magaalada loo baahan yahay, shacabkuna ay meel uga soo wada-jeestaan si loo helo bulsho caafimaad qabta. Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom ayaa qayb libaax leh ku lahayd abaabulkii hawshan, iyadoo telefoonnada gacanta ku faafinaysay sidii nadaafadda looga qayb qaadan lahaa iyo iyadoo samaysay goob dhaqaalaha lagu ururiyo. Ololahan oo aan badanaa bulshada magaaladu u kala harin dhinac dhaqaale iyo dhan hawlgalba ayaa waxaa la odhan karaa waa kii ugu ballaadhnaa ee soo mara magaalada Laascaanood, kaasoo kusoo beegmay xili la sugaayo roobka dayrta.
Wajaale News Related posts:DAAWO; Siyaasi Rashiid Jaamac Dhari "Hadaanu Nahay Reer Hargaysa Waanu Sii Wadaynaa Taageerada Aanu... Daawo:Suldaanka Guud Ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Oo Ka Hadlay Salaadiinta Xidhan,Dhalinyara... DAAWO;Dad Xukuumadu Karantiin Galisay Oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Nadaafad Xumada Huteelka La Deji... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|