Nuxurka Warbixin La Xidhiidha Baahiyaha Keenay Inay Xukuumadu Samayso Xeerka Dayac Tirka Waddooyinka Oo Wasiirka Madaxtooyadu Ka Hor Jeediyey Mudanayaasha Aqalka Wakiilada. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nuxurka Warbixin La Xidhiidha Baahiyaha Keenay Inay Xukuumadu Samayso Xeerka Dayac Tirka Waddooyinka Oo Wasiirka Madaxtooyadu Ka Hor Jeediyey Mudanayaasha Aqalka Wakiilada.
September 9, 2013 - Written by editor

Hargeysa(WJN):-wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maanta golaha wakiilada ka hor jeediyey warbixin la xidhiidha xeerka dayac tirka wadooyinka Somaliland oo ay xukuumada u soo gudbisay golaha wakiilada.

Hargeysa(WJN):-wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maanta golaha wakiilada ka hor jeediyey warbixin la xidhiidha xeerka dayac tirka wadooyinka Somaliland oo ay xukuumada u soo gudbisay golaha wakiilada.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa dhawaan wasaarada madaxtooyada digreeto ku hoos keenay hay?adda waddooyinka Somaliland oo hore uga madax banaanayd wasaaradaas, iyada oo wasiirka madaxtooyadu uu haatan gacanta ku hayo arimaha la xidhiidha waddooyinka dalka.

Wasiirka madaxtooyada oo
ay wehelinayaan xubno kale oo ka mida xukuumada ayaa waxa uu mudanayaasha golaha wakiilada faah faahin ka siiyey sababaha kalifay inay xukuumadu samayso xeerka dayac tirka  waddooyinka, isaga oo ka waramay wadooyinka ay xukuumadu  ilaa hada dhistay kuwa haatan socda kuwa dayactirka lagu sameeyey iyo kuwo ay damacsan tahay inay dhisto.

Ugu horayn wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlaya qodobada kalifay inay sameeyaan xeerka waddooyinka ayaa waxa uu yidhi ?xukuumadu iyada oo ka duulaysa baahida qaranka waxay diyaarisay xeerka horu marinta waddooyinka somaliland, aragtida aanu xukuumad ahaan idiin soo gudbinay waxay ku salaysan tahay xeerkan wadooyinka iyo muhiimada ay waddooyinku u leeyihiin qaranka, wadanku waxa uu leeyahay waddooyin isku xidha dalka, marka laga tago inta cusub ee xukuumadan iyo shacabku iska kaashadeen ee lagu daray  waddada  Dilla xaga shishe ka xigta waxay ahayd 770 ilaayo halka uu xadku ku yaalo ee magaalada Laascaanood oo laami ah,laamiga intaas dhereran ayeynu wax laami ah leenahay, may  badnayd ama aad ayey u  yarayd wax laami ah oo aynu ku darno oo aynu inagu samaysano oo ka horeeyey xukuumada madaxweyne Siilaanyo, waxaynu se ku hawlanaan jirnay inaynu buux buuxino laamiyada hore.?

Wasiirka madaxtooyada Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay xaalada waddooyinka Somaliland waxaanu yidhi ?waxaynu leenahay waddooyin isku xidha  gobolada iyo degmooyyinka  dalka kuwaas oo u baahan in la dayac tiro lana horu mariyo , waxa kale oo aynu leenahay waddooyin u baxa tuulooyinka iyo beeraha kuwaas oo qaarkood noqdeen togag una baahan in la dayac tiro, baahiyaha noocaas ah ayaa kalifay in la sameeyo xeerka dayac tirka waddooyinka, iyada oo laga duulayo in wixii la dayac tiri karo dayac tir  lagu  sameeyo kuwii cusub ee la samayn karana la dhiso.?

Wasiirka madaxtooyada Somaliland waxa uu sheegay in abaabulka waddooyinka iyo dhismahoodu uu ka yimid xukuumada madaxweyne Siilaanyo isaga oo sheegay inay xukuumadu diyaar u tahay inay dhisto waddooyinka dalka waxaanu yidhi ? rabitaankii wanaagsanaa ee dawlada madaxweynuhu la timid ee ahaa abaabulka iyo horu marka inay is abaabuleen bulsho kala duwan oo reer Somaliland ah  iyaga oo dawlada  kaashanaya kuwaas oo u dhaqaaqay inay wadooyinka dhistaan, xukuumaduna arinta noocaas ah waxay ku qasbanayd inay gacan libaax ka gaysato oo ay dhiiri geliso bulshadeeda, inta bulshada laga soo helay mooyeene waxay diyaarisay dhaqaalihii kale ee loogu tala galay wadooyinka waxaana soconayey wadooyin dhawra oo ay xukuumadu hir gelinaysay iyo kuwa ay shacabku hir gelinayeen waxaana  soconayey wadada dheer ee ka tagta degmada Dilla ilaa Boorama taas oo lagu daray 4km iyada oo bulshaduna ay aad uga qayb qaateen dhismaha wadadaas aniga oo dadka reer Boorame uga mahad celinaya sida ay uga qayb qaateen dhismaha wadaadas, sidoo kale wadada isku xidha magaalada Hargeysa iyo degmada Salaxley oo la bilaabay ,wadada isku xidha Oodweyne Iyo Burco oo la bilaabay, wadada isku xidha Wajaale iyo Kalabaydh kuwaas oo dhamaantood ah waddooyin cusub iyo wadooyin kale oo u baahnaa in gacan laga gaysto sida wadada Tabca iyo wadada isku xidha Dilla iyo Dhudi oo ah waddo kooban iyo wadada abaabulkeedu sacdo ee isku xidha Balli-gubadle iyo Hargeysa iyo wadada Dawga Cad.? Ayuu yidhi wasiirka madaxtooyada Somaliland.

Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu faah faahin dheer ka bixiyey sida ay wadooyinku hawl bawlaha ugu yihiin jiritaanka qaranka, isaga oo tilmaamay inay xukuumada ka go,an tahay hir gelinta wadooyin isku xidha guud ahaan deegaamada gobolada dalka.

Ugu danbayntiina mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ee fadhiga maanta ka soo xaadiray ayaa halkaas  su,aalo kala duwan ku waydiiyey wasiirka madaxtooyada Somaliland.

WAJAALE NEWS DESK

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS