Mujaahid Cali Guray Oo Eedo U Soo Jeediyay Wasiirka Waxbarashada Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mujaahid Cali Guray Oo Eedo U Soo Jeediyay Wasiirka Waxbarashada Somaliland
September 30, 2013 - Written by Wariye:

cali gurayHargeysa (Wajaale News) – Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saddexdii Sano ee Ay taladda Wadanka Haysay waxa isa soo tarayay cabudhin ay sheeganayaan Mucaaradku.
Maalintii shalay ayaa waxa Jaamacadda Hargeysa ka qalin jabiyay 744 arday oo wax ka bartay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Hargeysa.

Hadaba Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID

Cali Maxamed Yuusuf ayaa dhaleecayntii ugu darnayd u soo jeediyay Wasiirka Waxbarashadda iyo wasaaradeeda oo qalin jabinaha jaamacadda culays ku saarta in aan wax hadal ah la siinin Xisbiyadda Mucaaradka ah.

Waxaana qoraal kooban oo uu ku faafiyay boggiisa Facebookga uu ku yidhi In wax laga yidhaa basar xumada wasaaradda tacliintu waa qasab.

Waxay wasaaradani bilawday inay siyaasadayso tacliintii oo jaamacdihii iyo dugsiyadii kula dhex meeraysato siyaasad waxa aanay qarka u saarantahay in gebi ahaanba ay waxbarashadii xibiyayso oo xukuumadayso, taasi na wax loo dulqaadan karo maaha.

Axmed Siilaanyo intii mucaaridka ahaa xukuumadii Rayaale marna may odhan yaan mucaaridka hadalka la siinin marka munaasibadaha gaarka ah la isugu yimaado.

Musuq maasuqa iyo tuugada xiligii Rayaale laguma bixin jirin sahaadado.

Wasaaradda tacliintu hadaan loo badheedhin waxay wadaa in aqoontii maqluubka loo rogo oo dabo saarihii ay food saaro noqdaan.

Waxanu ka baqe qabnaa sida ay wasaaradani wax u waddo in ardayda isku fasalka ah ugu dambaysta loo kala qaybiyo xisbiyo iyo reero oo taa lagu xidho qiimayn tooda.
Qoraalkani waa digniin kama dambays ah, hadii ay ku joogsan waydo oo tacliinta la siyaasadaynayo la joojin waayo midhaha ay wasaaradani goostaa waxay noqon doonan mur iyo deebaaq.

Wajaale News
Hargeysa Office

COMMENTS
LINKS