Maxaad ka taqaanaa Taariikh nololeedka hogaamiye Abuu Mansuur Amriiki oo maanta la Khaarajiyey? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaad ka taqaanaa Taariikh nololeedka hogaamiye Abuu Mansuur Amriiki oo maanta la Khaarajiyey?
September 12, 2013 - Written by editor

Maxaad ka taqaanaa Taariikh nololeedka hogaamiye Abuu Mansuur Amriiki oo maanta la Khaarajiyey?

am

 

Muqdisho-(Qaran-news)-Cumar Shafiiq Xamaami oo loogu yeedhi jiray Abuu Mansuur Al-Amriki waxaa uu ku dhashay magaalada Dafne ee gobolka Alabama ee dalka Maraykanka 6-dii May 1984kii inkastoo la sheego inuu ku barbaaray magaalada Dimishiq ee dalka Syria oo uu asal ahaan uu ka soo jeedo.

 

Dib ayuu ugu laabtay gobolka uu ku dhashay ee Alabama halkaasoo uu ka galay Jaamacad  oo uu ka dhiganayay maadada Injineeriyada.

 

Sanadkii 2004 ayuu u safray magaalada Toronto ee dalka Canada halkaasoo uu ku guursaday haweeney Somaliyad ah oo  halkaa qaxooti ku aheyd. Sanadkii 2005-tiina isaga iyo haweeneydii Somaliyada ahayd ee uu qabay iyo Inan ay u dhashay waxay u wareegeen magaalada Qaahira ee dalka Masar.

 

Bishii November sanadkii 2006 ayaa la aaminsan yahay inuu Cumar Shafiiq Soomaaliya yimi, kadibna uu ku biiray xoogagii maxkamadaha ee Muqdisho la wareegay, isagoo markii dambe raacay  Xarakada Al-Shabaab oo aheyd garab ka go’ay maxaakiimtii Islaamka, isla sanadkaas ayaa la xusaa inay kala tageen haweeneydii Soomaaliyeed ee uu ka soo guursaday dalka Canada.

 

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sida uu Maraykanka uga soo tagay wararka qaarna waxay sheegayaan in sanadkii 2002-dii ay isku dhaceen aabihiis taasoo keentay inuu guriga ka tago.

 

Bishii October sanadkii 2007 ayay aheyd markii ugu horeysay ee lagu arkay meel fagaaro ah oo Soomaaliya ku taala xilli uu tababar siinayay dagaalyahano Shabaab ka tirsan gaar ahaan waxaa la sheegayaa inay goobtaas  aheyd xerada Maslax oo ku taala xaafada Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho.

 

Abuu Mansuur Al-Amriki wuxuu intii uu ka mid ahaa Xarakada Al-Shabaab soo qabtay xilal badan sida mar wuxuu noqday taliyaha ciidamada Al-Al-Shabaab, wuxuuna ka qeyb galay dagaalo badan oo ay Al-shabaab ku galeen gudaha Somaliya.

 

Haween kale oo Soomaali ah ayaa la sheegaa inuu guursaday kuwaasoo uu dhawaanisheegay inay ka qafaasheen ama kala baxeen ciidamo daacad u ah hogaamiyaha Al-Shabaab.

 

Markii uu soo baxay khilaafka ka dhex jira Al-Shabaab  iyo Al-Amriki marar badan ayaa la sheegay in la dilay,hase yeeshee wuxuu baraha internet-ka ku faafiyay sawiro muujinayay dhaawac ka soo gaadhay weerar ay ku qaadeen xubno taageersan hogaamiyaha Al-Shabaab xilli uu ku sugnaa Raama Cadey.

 

Maraykanku waxaa uu madaxa hogaamiyahaan dul-dhigay ama ku doon-doonayey lacag dhan 5 million oo Dollar oo la siinayo cidda keenta xog ku saabsan Al-Amriki.

COMMENTS
LINKS