Maxaad Ka Ogtahay Nuxurka Shir Ka Dhacaya Imaaraadka Todobaadkan Oo Loogu Yeedhay Maamuladda Ka Jira Dalkii La Isku Odhan Jiray Soomaaliya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaad Ka Ogtahay Nuxurka Shir Ka Dhacaya Imaaraadka Todobaadkan Oo Loogu Yeedhay Maamuladda Ka Jira Dalkii La Isku Odhan Jiray Soomaaliya.
September 4, 2013 - Written by Wariye:

Hargaysa, (Wajaale News)  Madax ka socota Somaliland, Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo madaxda maamul goboleedyada Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole iyo Gal-mudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa la filayaa inay dabayaaqada todobaadkan gaadhaan magaalada Abu-dabay ee dalka imaaraadka Carabta.

Ma jiro war si cad daboolka uga qaadaya ujeedada socdaaladan iyo amuurta uu xanbaarsanyahay oo  ka soo baxay dhinacyada uu khuseeyo. Hase yeeshee, sida ay wargayska Saxafi u sheegeen diblomaasiyiin la socda dhaqdhaqaaqyada siyaasiyiinta Soomaalidu, waxa socdaalkan kulminaya madaxdani uu la xidhiidhaa shir lagu lafa guri doono arrimaha budhcad badeeda Maraakiibta ka qafaalata biyaha bada cas iyo badweynta Hindiya. Xogaha aanu helay waxaa ay intaas ku darayaan in Ajandaha qorshaha la dagaalanka

budhcad badeeda shirka lagu shaxeeyay nidaam ama sheegasho ka dhan ah madaxbanaanidda Somaliland oo dawlada Soomaaliya isu dhigtay inay gacanteedda ku jiraan ama hoos yimaadaan nidaamka fadaraaliga ah, islamarkaana ay leedahay qayb ka mid ah awoodda maamulka shirkan oo ay marti galintiisa leedahay dawlada isu taga imaaraadka Carabtu. Islamarkaana ah kii sadexaad ee noociisa ah.

War lagu baahiyay shabakad wararka baahisa oo laga leeyahay Imaaraadka oo lagu magacaabo The National ayaa baahiyay in shirkan ay ka qayb-galayaan wufuud tiradoodu gaadhayso illaa 500 oo ergay oo kala duwani., waxaa kale oo uu tilmaamay in xooga lagu saarayo dib u dhiska Soomaaliya. Dr  Theodore Karasik oo madax ka ah machad daraaseeya arrimaha Militariga gacanka iyo hareerihiisa ayaa sheegay in shirka sanadkan xoogga lagu saarayo dib u dhiska hay?adaha amaanka, dhaqaalaha, cadaalada, ilaalinta xeebaha iyo waxbarashada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo aanu kala saarin. Aqoonyahankani waxaa uu ku dooday in la yareeyay 75% khatartii budhcadbadeedda Soomaalida marka la eego xiligan iyo laba sanadood ka hor. Waxaa kale oo uu sheegay khabiirkani in Imaaraadka Carabtu ku taageeray Soomaaliya lacag dhan 220 Milyan oo Dirham muddooyinkii aynu ka soo gudubnay, gaar ahaan adeegyada bulshada iyo amaanka.

Marka laga yimaado warka warbaahinta Imaaraadka, xogaha aanu helay waxaa ay sheegayaan in hab-maamuuska soo dhawaynta wufuudan oo uu ku jiro wefitga ka socda Somaliland ay diyaarisay safaarada Soomaaliya ee imaaraadka iyo wasaarada arimaha dibada ee dalka imaaraadka carabta.

Xogaha aanu helay qaarkood waxaa ay sheegayaan in uu jiro Martiqaad loo diray Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya, sidaas oo ay tahay, waxaa jira tibaaxo muujinaya in Madaxweyne Siilaanyo aanu ka xaadiri doonin shirkan ee ay tagi doonaan Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Macdanta oo ka immanaya Ustareeliya iyo Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xaglatoosiye. kuwaas oo la filayo inay jaaliyadda Somaliland ee Imaaraadka Carabta la hadlaan maalinta Jimcaha ah ee anagu soo aaday sidda ay sheegayaan wararka na soo gaadhay.

 

 

Wajaale News

Office Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
LINKS