Masuuliyinta Gobalka Togdheer ,Police-ka iyo Tarafikada Gobalka Oo Qabtay Shir-Jaraid Oo ay Kaga Hadleen Shilal Kale Duwan Oo ka Dhacay Gobalkaasi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Masuuliyinta Gobalka Togdheer ,Police-ka iyo Tarafikada Gobalka Oo Qabtay Shir-Jaraid Oo ay Kaga Hadleen Shilal Kale Duwan Oo ka Dhacay Gobalkaasi
September 29, 2013 - Written by Wariye:

burcoBurco(Wajaale News) Shirjaraid oo ay Maanta Xarunta Maamulka G/Togdheer ku Qabteen Gudomiye ku Xigenka G/Togdheer.Taliye ku Xigenka Qaybta Police iyo Taliyaha Tarafikada Ee Gobalka Togdheer ayaa markii u horeysay sharaxaad ka bixiyay Shilal baabuur oo is-daba joog-ahaa Oo Dhawrkii Cisho Ee u Danbeeyay ka dhacaayay Jidka Laamiga Bariga gobolka Togdheer iyo Khasarayaal Uu Sababay
burco
Ugu Horaynba waxa Shirkaasi Jaraid ka Hadlay Gudomiye ku Xigenka G/Togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ubaxle) Waxaanu Fahfahin ka Bixiyay Khasarihii ka dhashay Shilalkaasi Babuur.

Waxaana ka Mid ahaa Hadaladisii  ” Shilkaasi Baabuur Ee dhacay Jimcihii waxa uu ka koobnaa laba baabuur oo isku galay habeenimadii wadada Beer iyo Yiroowe u dhaxaysa Ciidanka booliskana igu wargaliyay in shilkaasi dhacay ,isla laba gaadhi oo kale oo khasaare badan gaystay ayaa isku galay Laamiga ,isla Sayladda Burco Gaadhi ayaa ku dhacay Mid kale-na kala- Sharka ayuu ku dhacay  markaa shilalkaasi kuwii gobolka ugu badnaa ee ka dhaca ayay ahaayeen waanu u gurmanay .Waxaanu Beeninaynaa Warar Been abuur ah Oo Waheen ka Qoray Shilkaasi waa Waxba kama Jiraan.Waxaan Ugu Baaqaya Darawaliinta Gadiidlayda inay Qunyar Socdaan  ” Sidaasi ayuu yidhi Gudomiye ku Xigenka G/Togdheer

Taliye ku Xigeenka Qaybta Police Ee G/Togdheer Faarax Maxamed Waxaanu shegay inay Ciidanka Police  Togdheer ay Kaalin Muhiim kaga qayb-qateen Gurmadka Samata Bixinta Shilalkaasi Gadiid Ee Dhacay.

Taliyaha Ciidanka ilaalada Wadooyinka Gobalka Togdheer C/Laahi Faarax (Soo-Fadhise)  waxaanu Taliyuhu Fahfahin Buuxda ka Bixiyay Qaabki Uu u Dhacay Falkaasi Waxaana ka mid ahaa hadaladiisii

” Shilal Badan ayaa Gobalka ka Dhacay Malmihii u Danbeyay laakiin gurmad ayaanu ka samaynay ,dadkii ku waxyeelobayna waxaanu gaynay goobaha caafimaadka gobolka ,waxaananu ilaahay uga baryayaynaa in uu janadii ka waraabiyo dadkii ku dhintay ,kuwii ku dhaawacmayna caafimaad siiyo “Ayuu yidhi Taliyaha Tarafikada G/Togdheer

Geesta kale Shilalkan faraha Badan Ee ka Dhacay Gobolka Togdher iyo Nawaaxigiisa ayaa waxa ku Nafwaayay  Hal Qof inta la hubanaya Waxa  ku dhawacmay Tobaneeyo Qof.
Waxaana Tiro kabadan Oo kale-na hore ugu dhimatay Wadadani Waxaanay  ku soo beegmaysaa  xili ay Xukuumadda Sare Ee Somaliland Malaayiin Dolar ku Kharash Garaynayaso Samaynta Wadooyinka Somaliland Wax Muuqdana ilaa iyo Haatan Aanay ka Qabanin.
Si kastaba ha ahatee Shilalkani Kale Duwan Ee Maalmihii u Danbeyayba ka Dhacayay Gobalka Togdheer ayaa Waxa Sabab u ah Wadooyinka Soo Gala Gobalka Togdheer Oo Aan Haba-Yaratee Cidi Wax ka Qaban.

Wajaale News
Hargeysa Office
Contect:wajalenews@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdiraxman Habane

COMMENTS
LINKS