Masuul U Hadlay Diyaarada Ethiopian Airline Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Hargeysa Warbiixain Xiiso Badan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Masuul U Hadlay Diyaarada Ethiopian Airline Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Hargeysa Warbiixain Xiiso Badan
September 15, 2013 - Written by Wariye:

Ethiopian AirlineHargeysa(Wajaal News):-shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Airline ayaa markii ugu horaysay ka hadashay tayada dhabaha caalamiga ah ee Cigaal Airport ee magaalada Hargeysa.

Warbaahinta Somaliland ayaa todobaadkan baahiyey war ay ka soo xigteen barta internetka ee Ethiopianreview.com oo lagu sheegay in diyaarada Ethiopia ay joojisay duulimaadyadeedii madaarka Hargeysa qabyo ka muuqata garoonka darteed.

Hase yeeshee qoraal rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska xidhiidhka dadweynaha ee shirkada

Ethiopian Airline ayaa lagu sheegay inaanay waxba ka jirin wararka sheegaya inay diyaaradoodu u joojisay duulimaadyadii Somaliland sababo la xidhiidha dhabaha madaraka Hargeysa, iyada oo Ethiopian Airline cadaysay  in dhabaha madaarka Cigaal uu ku haboon yahay isticmaalka diyaaradooda B737 ? dhabaha diyaaraduhu ka ordaan iyo adeegyada kale ee madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa waxa kormeer ku soo hubiyey khubarada dhinaca farsamada noo qaabilsan waxayna sheegeen inay dhamaanba sugan yihiin oo ay ku haboon yihiin waxyaabihii looga baahnaa inay ku soo degto  diyaarada Ethiopian Airline ee B737,taas oo sababtay in diyaarada Ethiopian Airline ee B737 duulimaad ku timaado madaarka magaalada Hargeysa? ayuu lagu yidhi qoraal ka soo baxay madaxa xafiiska dadweynaha ee shirkada Ethiopian Airline mr.Biniyon Demssie oo habeenkii jimcaha loo diray warbaahinta Somaliland.

Diyaarada Ethiopian Airline ilaa hada si rasmiya umay shaacin sababaha keenay inay joojiso duulimaadyadeedii Somaliland balse waxay muujisay inaanay arintaasi ahayn mid la xidhiidha dhabaha madaarka Hargeysa oo markii u horaysay diyaaradooda B737-800 soo fadhiisatay 1-dii Septenber, iyada oo todobaad ka dibna joojisay guud ahaanba duulimaadyadeedii Somaliland

 

Wajaale News

Hargeysa Office

wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS