Madaxweynuhu Bal Ha Sheego 46-kii Wasiir Magacyadooda, Ma Sheegi Karo??..Haddii aanu Waddankan Wadi Karayn Laba Waddo Mid Uun Baa Furan, In Xil??.? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynuhu Bal Ha Sheego 46-kii Wasiir Magacyadooda, Ma Sheegi Karo??..Haddii aanu Waddankan Wadi Karayn Laba Waddo Mid Uun Baa Furan, In Xil??.?
September 22, 2013 - Written by Wariye:

faysal cali warabeHargeysa (Wajaale News)- Masuuliyiinta sare ee Xisbiga UCID, ayaa cambaarayntii abid ugu kululayd u jeediyey xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxana ay ku eedeeyeen Maamulxumo, qaraabo-kiil, eex iyo Musuq-maasuq. Shir jaraa?id oo ay masuuliyiintu maalintii shalay ku qabteen Xaruntooda Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ugu horrayn ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng.
Faysal Cali waraabe, waxana uu xusay in xukuumaddani intii ay talada dalka la wareegtay ay Go?doon siyaasadeed iyo qoqob hor leh dalka u horseedday, ?Saddex sano ka dib markii

ay xukuumaddani xukunka qabatay Go?doon baa laga dhigay oo bulshada caalamku way inaga goosatay, waad Arkaysaan oo Ingiriiskii inoo soo gurman jirey waakaa muufada ku cunaya Xamar, 36-waddan baynu xidhiidh la lahayn oo dhammaantood way inaga goosteen.? Ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

Eng. Faysal ayaa sheegay inuu madaxweyne Siilaanyo ku Eedeeyey inuu cid kale gacanta ka geliyey awooddii loogu talo galay inuu madaxweyne-ku-xigeenku yeesho iyo hawlihii loogu talo galay inuu maamulo, waxana uu yidhi, ?Maanta madaxweynuhu xilkiisii wuu wareejiyey, madaxweyne-ku-xigeenka waxa loo sameeyey Awood-qaybsi, maadaama aynu qabaa?il nahay, waana si aanay talada beel qudha ahi talada aanay Gacanta ku dhigin, taasaana Madaxweynuhu Beel u noqday, Guddoomiyaha Barlamaanku Beel unoqday Madaxweyne-ku-xigeenkuna Beel kale u noqday..?

Guddoomiye Faysal oo Hadalkiisa sii wata, ayaa yidhi, ?Madaxweynaheenu ma aha inuu sidii maraykan yeelo?e waa inuu madaxweyne-ku-xigeenkan Beesha ka soo jeeda uu awoodda wax ka siiyaa, Haddii ay tiisu ku badatana inuu isaga ku wareejiyo.?   Guddoomiye Faysal, ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne siilaanyo Awooddii maamul ee dalka uu ku wareejiyey cid kale oo aanay bulshadu u igman, sidaa darteed ay Baarlamaanka waajib ku tahay inay xil-ka-qaadis madaxweyne soo Oogaan, waxana uu yidhi, ?Maanta madaxweynuhu awooddiisii waxa uu ku wareejiyey Dad aan la dooran oo uu Rayte ku sheegay Qaraabo, xilkaasina waxa uu saaran yahay Baarlamaanka oo ay kaw ka tahay in Siilaanyo lagu qaado Xil-gudasho la?aan Awooddii qaranka ee uu u dhaartay ah.?

Guddoomiye Faysal ayaa carrabaabay meelaha sida tooska ay uga caddaatay cidda awoodda dalka gacanta ku haysaa, waxana uu yidhi, ?Innagu waynu ku sheekaysanaa cidda dalkeena Xukunta, waana tii Baarlamaanka Hortiisa ka caddaatay  Halka ay awooddu taallaa,?

Eng. Faysal Cali waraabe waxa uu tilmaamay in sababaha madaxtooyada loo hoos keenay laamihii dakhliga ee dawladda sida Haamaha shidaalka, Dekedda iyo Waddooyinku ay tahay sidii ay lacagta waddaka u urursan lahayd, waxana uu yidhi, ? Waxa ay madaxtooyadu iskugu biyo-shubatay inay doonayso in shantan sano ee Madaxweyne Siilaanyo waddanka lagu boobo, maxaa Madaxtooyada Hoos keenay Haamaha, maxaa waddooyinka hoos keenay, maxaa 2%-tigii Bariga hoos keenay, waxa weeye Madaxtooyada Dadbaa lacag ku urursanaya Daaraha la dhisanayana waad arkaysaan.?

Faysal oo sharraxaya xilliyo kala duwan oo uu madaxweyne Siilaanyo ku kacay Distoor jebin ay waajib ahayd in xil-ka xayuubin lagu sameeyo, ayaa yidhi, ?Axmed Siilaanyo Saddex Jeer Buu Dastuurka Jabiyey, saddexdabana Waxa ku waajibtay Xil-ka-Xayuubin, riyaalena marbaynu nidhi xil-ka-xayuubin hallagu sameeyo oo markaana Diiwaangelintii ayuu ka tegey.?

Eng. Faysal oo ka soo bandhigaya meelaha dalkeena ah ee Eexdu sida aadka ah ugu faaftay, ayaa yidhi, ??waligay intaasaan jirayoo wali caddaalad darro iyo qabyaaladda Halkan ka socotaa meel ay ka dhacdo ma jirto, ilaahay baan idinku dhaaryee ma waxa aad aragteen, Guddoomiyihii Qandaraaska, kii qandaraaska Bixinayey, kii qaadanayey oo isku reer ah miyaad aragteen, oo Miyaad Aragteen wasiirkii Duulimaadka, kii qandaraaska qaadanayey iyo madaxweynihii oo isku reer ah.?

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid waxa uu sheegay inay dalka Somaliland ka dhacday saddex fadeexadood oo xukuumaddan maanta talada dalka haysaa ay ku ceebaysan tahay, waxana uu yidhi, ?Waddanka saddex fadeexadood baa dalka ka dhacay, waxa dhacday fadeexaddii shidaalka, fadeexaddii Airport-ka iyo fadeexaddii Land-Cruiser-ada, bal dawladdan Laanguruusarradii shacabku ka kiraysan lahaa shirkadda, ee intay soo iibsatay 70-laanguruusar Haddan cashuurtii kala dhuumatay ee number cas siisay ee midkiiba ku kiraysay$450, bal maxaa inoo hadhsan.?

Eng. Faysal ayaa caqli xumo ku sheegay waddada Ceerigoob iyo Burco isku xidha ee uu madaxweyne Siilaanyo dhawaan dhagax dhigay, maadaama ay aad u hawl badan tahay, islamarkaana aan wax lacag ah loo haynin, waxana uu yidhi, ?ma waxa aynu aqbali karnaa ninka weyn ee Madaxweynaha ee waddo 372km ee aanu lacag u haynin intuu dhagax dhigo yidhaahdo waan dhisayaa Ceerigaabo oo Haddana intuu isasoo rogo yidhaahdo waxan dhisayaa Burco iyo Hargeysa ayaan isku xidhayaa oo ingiriisku dhisi kari waayey, wax kale ma ahaa Culayskii saarnaa ayuu is leeyahay indhaha shacabka ku jeedi.?

Dhinaca kale waxa uu Eng. Faysal waxa uu madaxweynaha ku eedeeyey inuu Burco ku abaabulay inay u madaharaadaan, taas oo uu sheegay inay khalad tahay oo aanay wax la aqbali karo ahay, waxana uu yidhi, ?Bal madaxweynaha intuu Burco tegay yidhi ii mudaharaadda, annaguna waxanu leenahay mudaharaadka ka daaya waddankeenu ma qaadi karo?e, Hadduu xaafaddoodii yidhi ii mudaharaadda, Haddii ay madashu tidhaahdo Hargeysa ka mudaharaadda Hargeysa ma joogi doonaa, waxa weeye marka qofka madaxda ahi guul-darraysto qabiilka ayuu galaa.?

Eng, Faysal cali waraabe ayaa farriin u diray Beesha uu madaxweynuhu ka soo jeedo iyo cid kasta oo taageersan, isoo mar kale xusay in taladii qaranku gacan kale gashay, ?Hadda siilaanyo waxa uu soo saaray inuu yidhaado shanta sano ayaa la ii diiddan yahay wanaagaan samayeeyey ayaa laga masayr san yahay, waxan leeyahay Beeshiisa iyo ciddii kale ee taageertaba Dalkii ninkani Gacanta kuma hayo oo wuu wareejiyey, Dee Annaguna isagaanu dooraye cid kale ma aanu dooran? ayuu yidhi Eng. Faysal Cali waraabe.

Eng. Faysal cali waraabe ayaa si cad u sheegay in Haddii waddankii cid kale gacanta u galay kaliya ay bannaan tahay laba waddo, waxana uu yidhi, ?Haddii aanu waddankan ninkani(Madaxweyne siilaanyo) wadi karayn dee laba waddo mid uun baa u furan, in madaxweyne-ku-xigeenka loo dhiibo oo xil-ka-xayuubin lagu sameeyo iyo in doorasho Degdeg ah la qabtaa, laakiin ku eegimayno waddan aanu arkayno inuu soo ururayo?.

Faysal cali oo Hadalkiisa sii wata, ayaa yidhi, ?maanta xilkii aynu u dhiibanay madaxweynuhu ma hayo, dad aan u ehel ahayn buu ku wareejiyey, annaguna ma ogolaanayno.madaxweynuhu 46-kiisa wasiir bal ha sheego magacyadooda, ma sheegi karo, waayo dad kale ayaa samaystay oo waa laga saxeexay uun?  Ugu Dambayntii waxa uu Faysal cali waraabe cod dheer ugu sheegay madaxweynaha inuu hirgeliyo jawi ku habboon in talo qaran la iskugu yimaaddo, haddii uu taas yeeli waayona ay axsaabta mucaaridku qaban doonaan shirar wada-tashi oo ay madaxweynahana ku casuumi doonaan, waxana uu yidhi, ?Madaxweynaha waxanu leenahay dalkani waxa uu u baahan yahay midnimo qaran iyo wada-tashi, wada-tashi qaranna Haddii aad qaban weydo annagoo asxaabta ah baa qabanaynee Haddaad ka soo qaybgelayso ka soo qayb gal.?

 

Wajaale News
Hargeysa Office
Info:wajalenews@gmail.com
Wariye:Cabdiqadir Cabdiraxmaan Habane

COMMENTS
LINKS