Madaxweyne Siilaanyo Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey Arday Ka Qalinjabisay Jaamacada Golis. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey Arday Ka Qalinjabisay Jaamacada Golis.
September 10, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa (Wajaale News)-Munaasibad si heer sare ah loo soo Agaasimay oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa oo ay ka soo qaybgaleen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X.Xasan, Wasiirka Beeraha iyo Masuuliyiin kale oo ka socotay Bangiga aduunka laanta Hargeysa iyo Masuuliyiinta Jaamacad Golis oo uu uga horeeyo Gudoomiyaha Dr.Siciid Axmed Xasan, taasi oo shahaadooyin lagu gudoon siiyey Dufcadii 7aad oo ka koobnayd 363 Arday oo ka qalin jabiyey Gulidadaha kala duwan ee Engineering, medicine, iyo Management and Information Technology.

IMG_0306

Dean-ka Academic-ga Jaamacada Golis Caydaruus Maxamed Abiib Oo ugu horeyn Munaasibadaasi ka hadalay munaasibadaasi ayaa waxa uu yidhi “runtii farxad wayn ayay noo tahay arday aanu aad u jeclayn oo aanu waqti badan soo siinay ayaa maanta qalin Jabinaya  Ilaahaybaana mahadaa iska leh, ayaanle Cabdi ismaaciil, Shugri Cismaan Caabi waa inanka iyo inanta ugu sareeyey Jaamacada, ardayda ka kala Qalin jabisay Kuliyada kala duwan ee Jaamacadu waxay u marti yihiin Wasaarada Caafimaadka, Maaliyada iyo Dawlada hoose ugana marti yihiin Shaqadii ay ku qaban lahaayeen Xirfadooda”. Ayuu yidhi Caydaruus Maxamed Abiib

Gudoomiyaha Jaamacada Golis Dr.Siciid Axmed Xasan oo Munaasibada qalin Jabinta hadalo kooban ka jeediyey ayaa ku dheeraaday Jaamacada iyo horu marka ay gaadhay “waxaanu isku dhigaynaa inaanu nahay Jaamacad Qaran waayo waxaanu laamo ku leenahay Hargeysa oo ay ka furan tahay , Burco way ka furan tahay Berber-na wa ka furan tahay , Ceeri gaabo-na way noo yeedheen waanu ka aqbalay qaybta shareecada.

Dhanka kale waxa uu Gudoomiyuhu umahad naqay bangiga aduunka iyo Carwada ganacsiga waxaanu yidhi “waxa kale oo aan u mahad naqayaa Bangiga Aduunka iyo Carwada Ganacsiga Somaliand oo nasiiyey Lacag aanu ku soo iibsanay Qalabkii laboratory-ga iyo Civil Engineering-ka oo  dhawaan imanaysa oo aanu Hargeysa ka furayna lab casriya”

Gudoomiyuhu  isagoo hadal kiisa sii wata ayaa waxa uu  intaasi ku daray “waxaanu halkan laba sahaado ku gudoon siinaynaa Maxadaxweynaha mid wuxuu ku mutaystay wax qabad kiisa, midna wuxuu ku mutaystay  Darajaa Ciidamada kala duwan”. ayuu yidhi Dr.Siciid Axmed Xasan
Ardayda ka qalin jabisay Jaamacad Golis waxa qayb ka ahaa Caafimaadka kuwaasi oo uu Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye halkaasi kula dar daarmay waxaana uu yidhi “aad baan ugu farax san ahay inay jaamacada Golis Markii ugu horeysay soo saarto labadan qaybood ee shaybaadhka iyo suuxinta oo ahayd laba meelood ay baahi wayn inaga haysatay waan soo dhaweynayaa waanan la wareegay ardaydaasi, waxa kale oo aan idiin sheegayaa in ardayda ay jaamacaduhu soo saaraan qaybta Caafimaadka in loo sameeyey criteria Jamadii aan samaysana aanay dawladu aqoonsan doonin Guutada Caafimaad ee ay soo saarto, taasi waa arin aanu ku ilaalinayno dadkeena, sidoo kale Dhakhaatiirta waxa loo samayn doonaa Liisan kaasi oo uu u marayo imtixaan ee aanay dhici doonin intuu jaamcad ka soo baxo inuu iska shaqeeyo”. Ayuu yidhi Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye

Axmed Nuur Faahiye Wasiiru dawlaha Wasaarada Wax barashada Somaliland ayaa isaguna munasibadaasi hadalo kooban oo ka jeediyey  soo dhaweeyey arday ka qalin jabisay Jaamadada Golis waxaanu sheegay inuu maanta dalka u baahan yahay waxaanu ugu hambalyey waxbarashadooda ay in mudo ah soowadeen,Candixakiin Maxamed Cabdilaahi Gudoomiyaha qaybta Burco ee Jaamacada Golis ayaa isaguna khudbada dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey isagoo ka waramay maraxaladihii kala duwan ee ay soo martay iyo heerka ay maanta taagan tahay Jaamadu maada ay ka qalin jabeen Dufcadii 7aad.

Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxman Maxamuud Caydiid SOLTELCO oo hadalo kooban ka jeediyey ayaa shaaca ka qaaday inay qaybta Engineering ka u baahan yihiin Dawlad hoose ahaan waxaanu yidhi “ anagu qaybta Engineering ka waanu u baahan nahay aqoon yahanka waxaanu u leenahay marka u horeysa ee aad Jaamada ka soo baxdo markiiba haku fakirin inaad shaqo hesho waa inaad wadan kaaga wax gashataa waayo qaar idinka da’yar ayaa usoo halgamay, markaa waa inaad wadan kaaga wax gashataa anaga dawlad hoose ayaan 2 Engineer ayaa noo qalin jabinaya waxaananu diyaar u nahay inaanu qaadano 5 arday oo kale”. ayuu yidhi Maayorku

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmed Maxamuud Siilaanyo ayaa ugu dambayntii halkaasi ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa waxaanu yidhi “hambalyo balaadhan ayaan u soo jeedinayaa ardayda anoo ku hadlaya magaca qaranka waxay dawladu magac iyo maamuus iyo sharaf u tahay in jaamacadaha noocan ee ay ardaydu maanta ka qalin jabinaysaa ay yihii kuwa dalka iyo dadku u aayi doono ee maalin walba umadu u haahan tahay ee Hogaaminta qaranka hadii alle yidhaa ay ka qayb qaadan doonaan, waxaanu leenahay aad baanu ugu faanaynaa waxaananu ku farax sanahay inaad noqon doontaan kuwii dalka iyo dadkaba anfaca Cilmiga aad barateena waa loo baahan yahay, marba inta ay dhalin yarada tacliin doodu gaadho ayuu dalka  mustaqbalkiisu noqonayaa, waxaynu u baahan nahay dad tacliinta isku qira oo nabadgalyada iyo horu marka ka shaqeeya oo tacliinta qiimeeya” ayaa ka mid ayaa hadaladii Madaxwaynaha.

IMG_0294

Waxaa gaba-gabadii shahaadooyin Madashaasi lagu gudoon siiyey ardaydii ka qalin jabisay Jamacada oo dhamayd 363 arday.

 

Wajaale News

Office Hargeysa/Somaliland

wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS