Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Oo Dhagax Dhigay Rugta Buugaagta Ee Heer Qaran Oo Laga Dhisi Doono Magaalada Hargeysa Iyo Nuxurka Hadaladii Madaxweynaha Iyo Wasiirka Waxbarashada+Sawiro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Oo Dhagax Dhigay Rugta Buugaagta Ee Heer Qaran Oo Laga Dhisi Doono Magaalada Hargeysa Iyo Nuxurka Hadaladii Madaxweynaha Iyo Wasiirka Waxbarashada+Sawiro
September 8, 2013 - Written by editor

madaxweynaha somaliland ayaa maanta dhagax dhigay xarun cusub oo loo dhisi doono rugta buugaagta Somaliland ee Somaliland National Library.

Hargeysa(WJN):-madaxweynaha somaliland ayaa maanta dhagax dhigay xarun cusub oo loo dhisi doono rugta buugaagta Somaliland ee Somaliland National Library.

Xaruntan ayaa loogu tala galay inay noqoto rugta buugaagta heer qaranka ee Somaliland taas oo mudooyinkii ugu danbeeyey abaabulkeeda lagu jiray sidii loo hir gelin lahaa.

Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare marwo SamSam Cabdi Aadan oo ka hadashay dhagax

dhiga rugta buugaagta ee Somaliland ayaa waxay sheegtay  in laga hir gelin doono gobolada kale ee Somaliland iyada oo xustay inay dawladu gacanta ku hayn doonto rugtan buugaagta waxaanay tidhi ?maanta waxaynu joognaa dhulkan oo uu madaxweynuhu bixiyey kaas oo loogu tala galay in laga dhigo rugta buugaagta ee qaranka, taas oo laga bilaabi doono magaalada Hargeysa iyada oo loo gudbi doono gobolada kale ee dalka, maanta halkan waxaynu dhagax dhigaynaa rugtii buugaagta ee loogu tala galay inay noqoto tii qaranku lahaa  oo dawladu gacanta ku hayn doonto.? Ayey tidhi wasiirka wasiirka wasaarada waxbarashada Somaliland.

Wasiirka waxbarashadu waxay u mahad naqday wasiirada wasaaradaha qorshaynta qaranka,hawlaha guud iyo boosaha iyo isgaadhsiinta oo gacan ka gaystay sidii rugta buugaagta loogu heli lahaa dhul laga dhiso

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo  dhinaciisa ka hadlay dhagax dhiga rugtan loogu tala galay buugaagta ee heer qaranka ayaa waxa uu sheegay inay sanadkan miisaaniyada qaranka ugu dari doonaan dhaqaalaha ay u baahan tahay, waxaanu tilmaamay inuu rajaynayno inay noqoto mid dadka iyo dalkaba anfacda waxaana hadaladii madaxweynaha ka mid ahaa ?farxad weyn ayey maanta ii tahay inaan dhagax dhigo xarunta buugaagta ee heer qaran taas  oo wax weyn ka tari doonta taariikhda wadanka iyo umadaba, waxaanan aad ugu bogaadinayaa wasaarada waxbarashada iyo wasaaradaha kale ee gacanta ka gaystay hawshan, waxaanan rajaynayaa inuu noqdo mid umada iyo dalkaba wax u tara oo taariikhdeena ururiya kaas oo wax u tara jiilka soo kacaya ee dalka, anaguna wax aanu kala hadhaynaa ma jiro wixii aanu ugu dari karno miisaaniyada qarankana waanu ugu daraynaa, waxaanan rajaynayaa inuu noqdo mid dadka iyo dalkaba wax u tara? ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

wajaale news Desk

Contact Us : Wajalenews@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS