Madaxweyne Obama oo Shaybaadh Siyaasadeed ku Tijaabinaya Madaxweynaha Iran | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Obama oo Shaybaadh Siyaasadeed ku Tijaabinaya Madaxweynaha Iran
September 20, 2013 - Written by Wariye:

Obama-3Washington (Wajaale News)- Madaxweynaha dalka Maraykanka Barrack Obama, ayaa shaaciyey inuu shaybaadh siyaasadeed oo tijaabo ah ka qaadi doono madaxweynaha dhigiisa ah ee wadanka Iran Hassan Rouhani si uu u ogaado heerka uu gaadhsiisan yahay mabda?iisa ku waajahan inuu xidhiidh diblomaasiyadeed la sameeyo dalalka reer galbeedka, gaar ahaan Maraykanka.

Sida lagu baahiyey wakaallada wararka caalamiga ah ee Reuters, waxa Obama tilmaamay in madaxweynaha Iran xiisaynayo sidii uu wadahadalo diblomaasiyadeed ula furi lahaa dalalka reer gableedka oo Maraykanku ku jiro si looga gudbo ismarin waaga iyo colaadaha siyaasadeed ee u dhexeeya Iran iyo reer galbeedka,

balse waxa Obama xusay inuu tijaabin doono heerka arrintaasi ka gaadhsiisan tahay madaxweynaha Iran.

“Waxa jira tilmaamo muujinaya in madaxweynaha cusub ee Iran yahay shakhsi raadinaya inuu wadahadalo diblomaasiyadeed la furo dalalka reer galbeedka oo Maraykanku ku jiro, dareenkaasoo kalena xilliyo hore nama soo marin, waxaanna nala gudboon in aannu hadda tijaabino heerka arrintaasi gaadhsiisan tahay,? ayuu yidhi madaxweyne Obama.

Waxa kale oo madaxweynaha Maraykanku tilmaamay in arrimaha diblomaasiyadu fursad fiican u yihiin sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka iyo kala duwanaanta dhinaca aragtiyaha ee u dhexeeya dalka Iran iyo wadammada reer galbeedka, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; ?Waxa muuqda fursad diblomaasiyadeed, waxaanan rajaynayaa in reer Iran faa?iido ka heli doonaan waanwaanta diblomaasiyada.”

Madaxweynaha Maraykanka ayaa mar kale toddobaadkii hore sheegay inay jiraan xidhiidh dhinaca waraaqaha oo dhexmaray madaxweynaha Iran, kuwaasoo labada dhinac ku muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin in muranka taagan lagu xaliyo dhinaca diblomaasiyada.

Madaxweynaha cusub ee dalka Iran Hassan Rouhani si layaable loo doortay bishii June ee sannadkan, ayaa u muuqda inuu yahay siyaasi qunyar socod ah, isagoo aaminsan figrad iyo aragti furfuran oo uu kaga duwan yahay madaxdii hore ee dalka Iran soo maray oo uu ugu dambeeyey ninkii uu xilka kala wareegay ee Ahmadi Nejad, iyadoo hadda isha lagu hayo qaabka uu madaxweynaha cusub ee Iran u dhaqmi doono marka uu ka qaybgalo kulanka dalalka xubnaha ka Qarammada Midoobay toddobaadka dambe ku yeelan doonaan magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Wajaale News
Hargeysa Office
wajalenews@gmail.com
Madaxweyne Obama oo Shaybaadh Siyaasadeed ku Tijaabinaya Madaxweynaha Iran

COMMENTS
LINKS