Madaxweyne Obama O o Dib U dhigay Codayntii Golaha Congress-Ka Ee Weerarka Suuriya Warbixin | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Obama O o Dib U dhigay Codayntii Golaha Congress-Ka Ee Weerarka Suuriya Warbixin
September 11, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa-(Wajaale News)-Madaxweyne Barack Obama, hadallo uu ka jeediyey telifishannada Maraykanka, waxa uu ku dooday in marka hore laga gungaadho dedaalka diblomaasiyadeed ee ku saabsan Suuriya, sidaas awgeedna uu dib u dhigay codayntii Golaha Congress-ka Maraykanka ee ku saabsanayd qorshaha tallaayoobooyin milateri.

Dhinaca kale, dawladda Suuriya ayaa markii ugu horreysey qiratay inay haysato hubka kimikada ee sunta ah, iyo inay ogoshahay inay u hoggaansanto qorshaha uu wado Ruushku ee ah xallinta arrimaha hubkaasi. Laakiin Suuriya waxay eedda isticmaalka sunta kimikada dusha ka saartay kooxaha mucaaradka ah ee la dagaallamaya dawladda.

Salaasadii gellinkii danbe ayaa wasiirka arrimaha debadda ee Suuriya Waliid Mucallim waxa uu bixiyey faahfaahintii ugu ballaadhnayd ilaa hadda ee sunta kimikada ee Suuriya haysato, waxanu sheegay in dawladdiisu diyaar u tahay inay shaaca ka qaaddo hubkaasi iyo goobaha lagu hayo, inay soo bandhigi doonto wakiillo ka socda Ruushka, Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysa, iyo dalalka kale ee adduunka, iyo in isla markaasina Suuriya ay joojinaysi samaynta hubka noocaasi ah. Dawladda Ruushka ayaa si weyn u soo dhaweysey faahfaahinta Suuriya.

Madaxweyne Obama waxa uu dooddiisa ku daray in mawqifka cusub ee Suuriya iyo qorshaha Ruushku ay yihiin qaar yididiilo leh oo la soo dhaweyn karo, laakiin in dhinaca kale milateriga Maraykanku ay si buuxda heegan u yihiin mar kasta in la qaado duqayn amma weerar milateri haddii lagu guulaysan waayo dedaallada diblomaasiyadeed ee haatan socda.

Wajaale  News
Hargeysa Office
wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS