Madaxweynaha Somalia Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wafti Uu Hogaaminayo Safiirka China Ee Somalia | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somalia Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wafti Uu Hogaaminayo Safiirka China Ee Somalia
September 10, 2013 - Written by Wariye:

Muqdisho (Wajaale News) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda dalka China.
Waftigan oo uu hor-kacayay Safiirka China U Fadhiya muqdisho Liu Guangyuan, ayaa ka dib markii uu soo dhamaaday waxa laga soo saaray War-saxaafadeed.
Warsaxaafadeedkan oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska wararka ee Wajaale news, ayaa waxa uu u dhignaa sidan


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiliay wafdi ka socday dalka China oo uu hoggaaminayey Safiirka China Liu Guangyuan ayaa waxaa ka mid ahaa khubaro ku xeel dheer qiimeynta dhismaha. Madaxweynaha waxaa ku wehliyey kulankan Ku-Simaha Ra?iisul Wasaaraha ahna Ra?isal Wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha, Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya iyo mas?uuliyiin kale.


Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey wafdiga China booqashadooda Muqdisho iyo heshiiskii ay shalay la saxiixdeen Soomaaliya iyo sida ay China diyaarka ugu tahay inay xiriirkii Soomaaliya dib u soo nooleyso oo ay mashaariicdii horena dib u dayactirto. Madaxweynahu waxuu sheegay in China iyo Soomaaliya oo xiriir taariikhi ah uu ka dhaxeeyey loona baahanyahay in la sii joogteeyo.
Madaxweynahu waxuu Safiirka u gudbiyey farriin uu u geyn doono Madaxweynaha dalka China.
Wafidga China oo u hadlay Safiirkooda Liu Guangyuan ayaa sheegay in Dowladda China ay aad ugu faraxsantahay in xiriirkii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya dib loo soo celiyo isla markaana safarkii Ra?iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ay ku tagtey dalka China uu ahaa mid taariikhi ah oo dib u soo nooleeyey xiriirkii labada dal.

 

Wajaale News

Office Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
LINKS