|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta qudbad taarikhi ah ka jeediyay Xarunta Qaramada midoobay.
September 27, 2013 - Written by Wariye:
Wuxuuna ka hadlay amuuraha horyaala gaar ahaan, amniga Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay in la taagero hey?adaha dowliga ah ee Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa wuxuu sheegay ?AlShabaab waa la dagaalanay waana ka guleysanay.Inta hartayna waxaan kula dagaalami doonaa baadiyaha, tuulooyinka iyo meel kasta ay oo ay ku harsan yihiin. Waan uga guuleysanay dagaalkii fool ka foolka ahaa, hadana waa in aan ka guuleysano fikirkooda sunta ah anagoo isticmaaleyna, technologiyada casriga ah iyo wax barashada?. Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ayaa wuxuu dul maray horumarka iyo heshiiska Hiigsiga Cusub ee(New Deal) ee lagu saxiixay Brussels bartamaha bisha Septmber 2013kuna booriyayna beesha caalamka in ay u istaagan is bedel dhab ah. Si uu shaqeeyo New Dealka waa in aysan noqon hadal ee waa inuu noqdaa mid mira dhal. Shacabkeena wax badan ayey naga filayaan waa in aan ka soo baxnaa in arimaha bulshana ay dowladda gaarsiiso dalka oo dhan si shacabku ay u dareemaan kalsooni.? Horumar badan ayaa la gaaray xagga maamulka maaliyadda, xiriirka goboladda iyo in sal adag loo taago hey adaha dowliga ah. Waxaana la hiigsanayaa in 2016 doorasho xor ah ay ka dhacdo dhamaan Soomaaliya oo dhan.? Ugu dambeen Madaxweynaha ayaa maalinta beri ah wuxuu soo gaba gabayn doonaa safarkiisa shaqo uu ku joogay dalka Maraykanka, isla berina ka dhoofi doona magaalada New York. Related posts:DAAWO; Madaxwaynaha Maamulka Muqdisho Xasan Sheekh Oo Si Adag U Duray Maagalinta Dekada Berbera K... Halkan Ka Daawo:-Maanta Waxaa Somaliland Laga Xusay Maalinta Cudurka Aids-Ka Oo Sannad Walba La Xuso... Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland oo Dhul Hanti Guud Ah Ku Wareejiyay Shaqsiyaad Gaar Ah, Xili Ay ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|