Madaxweynaha cusub ee dawladda Iran, Xassan Ruuxaani, ayaa isna sheegay in Iran ay diyaar u tahay inay kaalin ka qaadato dhexdhexaadinta dhinacyada isku khilaafsan Suuriya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha cusub ee dawladda Iran, Xassan Ruuxaani, ayaa isna sheegay in Iran ay diyaar u tahay inay kaalin ka qaadato dhexdhexaadinta dhinacyada isku khilaafsan Suuriya
September 21, 2013 - Written by Wariye:

suuriyaDimishiq-(Wajaale News)-Ku-xigeenka ra’iisalwasaaraha dalka Suuriya, Qadri Jamiil ayaa sheegay in dagaallada sokeeye ee dalkiisu ay gaadheen heer aan la kala adkaan karin, sababta oo ah in dhinacyada is-haya mid aanu haatan lahayn xoog uu ku muquunin karo dhinaca kale.

Qadri Jamiil waxa uu intaasi ku daray in dawladda Suuriya ay ku talo jirto inay ku baaqdo xabba-joojin shir la qorshaynayo in lagu qabto magaalada Geneva oo lagaga hadli doono sidii wax looga qaban lahaa dagaallada Suuriya, hindisahaasi oo la rumaysan yahay in Ruushku ka danbeeyo.

Jamiil waxa kale oo uu ku dooday in dhibaato weyni ay soo gaadhay dhaqaalihii dalkaasi ilaa 2011-kii dagaallada awgood. Sidoo kalena dad ka badan 100,000 oo qof ayaa la rumaysan yahay inay ku dhinteen dagaalladaas, waxana qaxay amma barabaxay ilaa dhawr milyan, dalka gudhiisa iyo debaddaba.

Dhinaca kalena Maraykanka ayaa isna ugu baaqaya Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey in si dhakhso ah loogu dhaqaaqo wax-ka-qabashada hubka sunta ah ee Suuriya.

Madaxweynaha cusub ee dawladda Iran, Xassan Ruuxaani, ayaa isna sheegay in Iran ay diyaar u tahay inay kaalin ka qaadato dhexdhexaadinta dhinacyada isku khilaafsan Suuriya, si xal loo gaadho oo nabad looga dhaliyo gobolkaas.

 

Wajaale News

Hargeysa Office

wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS