Madaxweynaha Abaal La,aanta Waanu Ku Naqaanee Oohinta Badan Ayaanan Ku Ogayn Sodon Sanadood-na Waxa Uu Noogu Ooyey Oo Uu Jiif Iyo Joogba Noogu Diiday Kursiga I Saara Maantana Waxa Uu Leeyahay Hay Soo Eegine?.Mujaahid Xasan Guure. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Abaal La,aanta Waanu Ku Naqaanee Oohinta Badan Ayaanan Ku Ogayn Sodon Sanadood-na Waxa Uu Noogu Ooyey Oo Uu Jiif Iyo Joogba Noogu Diiday Kursiga I Saara Maantana Waxa Uu Leeyahay Hay Soo Eegine?.Mujaahid Xasan Guure.
September 18, 2013 - Written by editor

Aniga bari hore ayaa lay waydiiyey abaalka madaxweynaha waxaan idhi sodon sanadood oo aanu madaxweynaha isku jabhad ahayn waxa dhaanta sadex cisho aanu xirsi isku jabhad noqon lahayn, ninkaas dadku ka cabanayo, waxaanan qabaa inuu yahay tiirka uu ku taagan yahay haddii uu caawa ka hoos dhaqaaqana inay ku dumayso ayaan qabaa

Hargeysa(WJN):-gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa ka hadlay safarka madaxweynaha ee uu ku marayo qaar ka mid ah gobolada dalka.

Gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka oo maanta ka hadlayey shir jaraa,id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa ayaa waxa kale oo uu ka hadlay qodobo la xidhiidha xaalada dalka.

Ugu horayn gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland mujaahid Xasan Guure Jaamac oo ka hadlaya socdaalka uu madaxweynuhu ku

marayo gobolada bariga iyo jawaabta ka timid hadalkii uu ku sheegay  in masuuliyiinta qaranku ay faaruqiyeen magaalo madaxda dalka ayaa waxa uu yidhi ?socdaalkii uu madaxweynuhu ugu baxay gobolada dalka waxa la hadal hayey eray aan idhi kaas oo ahaa inay ka wada maqan yihiin xaruntii dalka, maamulkii madaxtooyada iyo dawladu waxay  leedahay baratakool ah madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen, waana inay cidi joogta xarunta dawlada, wadan waliba waxa uu leeyahay xarun awooda iyo magaca dawladnimadana meel ayaa loo sameeyey oo waxaynu nidhaahnaa madaxtooyada, markaa mar walba in cidi joogta madaxtooyada oo la hela meel mar  walba warka laga soo gaadhsiiyo mana aha in lays waydiiyo meesha uu madaxweynuhu joogo, waxba la  yaabi maayo oo waxba u macnayn maayo waayo malaa dadka aanu la hadlayno ayaaban miyir qabin, ilaa iyo Ramadaan waxaanu isku haysanay eray gole la yidhaahdaa waa sharci iyo sharci maaha.?

Gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland Xasan Guure Jaamac oo ka hadlaya waxyaalaha kalifaya inuu madaxweynuhu ka hor yimaado wada tashiga ay ku dhawaaqayaan, waxaanu tilmaamay in wada tashiga ay ka doonayaan madaxweynaha ay doonayaan in laysku waydiiyo balamihii ay shacabka u qaadeen wakhtigii ololaha doorashada, isaga oo tilmaamay  in wali lagu sugayo wax qabadkii ay umada u sheegeen waxaanu yidhi ?wax la qarinayo ayaa jira  oo laga gubanayo wax aynu is waydiino ayeynu nidhi ee maxaad ku diideen waxaynu wada leenahay maaha inaanu ku waydiino reerkaaga,adhigaaga iyo gurigaaga ee  waxaynu ka wada hadlaynaa wixii umadani kuu dhiibatay, waxaynu ka wada hadlaynaa wixii aanu dadka u sheegnay markaanu shalay Kulmiye ahayn ee aanu lahayn haddii aad doorataan madaxweynaha waxaas ayuu qabayaa, waana kuwan dhalinyaradii aanu lahayn Udub way tagaysaa ha tahriibin walaal meeday maanta, inta uu aniga ii jawaabayo waxa looga fadhiyaa inuu ka jawaabo balankii uu dadka u qaaday, dadkana balan ayeynu u qaadnay balankiina waa laynaga sugayaa oo suuqa ayaa nalagu waydiiyaa, tiina hadii aynu maanta is weydiino ileen kaligaa laguma doorane maxaad uga gubanaysaa.? Ayuu yidhi gudoomiyaha madasha wada tashigu.

Gudoomiyaha Madasha Wada Tashiga Mujaahid Xasan Guure Jaamac

Gudoomiye Xasan Guure oo ka hadlaya taariikhda ay soo wada qaateen madaxweynaha iyo ololaha ay u soo galeen sidii ay u saari lahaayeen kursiga dalka ugu sareeya ayaa waxa uu ka waramaya abaalka madaxweynaha iyo aqoonta uu u leeyahay waxaanu yidhi ?Aniga bari hore ayaa lay  waydiiyey abaalka madaxweynaha  waxaan idhi sodon sanadood oo aanu madaxweynaha isku jabhad ahayn waxa dhaanta sadex cisho aanu xirsi isku jabhad noqon lahayn, ninkaas dadku ka cabanayo, waxaanan qabaa inuu yahay tiirka uu ku taagan yahay haddii uu caawa ka hoos dhaqaaqana inay ku dumayso ayaan qabaa, markaa abaal la,aanta waanu ku naqaanee oohinta badan ayaanaan ka filayn, sodon sanadood waxa uu noogu ooyey kursiga I saara oo habeen iyo maalin jiif iyo joogba noo diiday, maantana waxa uu leeyahay waar hay soo eegina oo hayla hadline, waar mar walba ha ooyine marka aad dhulka joogtana ha ooyin marka aanu ku saarnana ha ooyin, waar iska abaal la,aw oo oohinta naga daa oo waxa lagu waydiinayo saani uga jawaab haddii aanay jirin wax aad qarinayso, sidii aynu shalayto u wada hadlaynay noola hadal oo yaanan bahalo kula noqonin saaxiibadii shalay ayaanu nahay, waxaynu saaxiib ku ahayn maaha inaad meesha fuusho balse inaad umada wax u qabato ayey ahayd inaad dhalinyarada wax u qabato ayey ahayd ee aniga hay jawaabin.? Ayuu yidhi gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranku.

Sidoo kale gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosintu waxa uu ka hadlay sida loogu baahan yahay in wixii umadu leedahay dadku u wada sinaado iyada oo laga fogaanayo qabyaalada iyo nin jeclaysiga, isaga oo dhaliilay safar uu gudoomiyaha guddida qandaraasyada qaranku ku jooga wadanka debadiisa waxaanu yidhi ?wixii hawla ee umadu wada leenahay haday shaqo tahay xeerku sida uu dhigayo in loo tartamo ayey ahayd oo aanu qofku cida uu yahay iyo magaca uu leeyahay aanu kuna waayin kuna helin ee waxa uu shaqaysto uu ku helo, qandaraasyada wixii la bixinayo waxa loo baahan yahay in loo sinaado maaha in cid gaara ay noqdaan, waxa lay sheegay in gudoomiyihii qandaraasyada ee ahaa inuu dadka u qaybiyo qandaraasyada isaga intuu qandaraasyo qaatay tagay wadanka Chine isaga qaybi ayaa lagu yidhi ee yaa ku yidhi soo iibi, haday sharci daro jirto taas ayaa sharci daro ah, in qandaraaska si qarsoon loo bixiyo ayaa sharci daro ah, waana in marka uu qandaraasku soo baxo la yeedhiyaa oo mudo loo qabtaa waana in dadka oo dhami meel kasta ha joogee maqlaa, waana in cidii kasta ee is tuhuntaa ay ka soo qayb gashaa.?

Ugu danbayntiina  gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka ayaa u hanbalyeeyey xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland oo soo jeediyey in guddi heer qaran ah loo saaro fadeexadaha ka taagan shirkadii baadhaysay shiidaalka iyo dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa waxaanu yidhi ?waxaan hanbalyeynayaa golaha wakiilada oo aad moodo inay yara diireen oo uu ka kacay bahalka gariisaha la yidhaa oo kale, waxaanan rajaynaynaa inay diiraan golayaasha kala duwan ee loo igmaday inay dawlada xisaabiyaan, waxaana loo igmaday in wixii ay dawladu qabanayso ay yidhaahdaan waxaas ayaad qabanaysaa marka ay qabatana la waydiiyo sida ay u qabatay, mana aha inay dawlada baryaan balse waa inay dawladu baridaa, waxaan taageersanahay inay xildhibaanada golaha wakiiladu yidhaahdaan guddi ha loo saaro waxyaabaha dalka ka taagan, shirkadahan guuray sababta ay u guureen, dadkii shalay qurbaha joogay ee shalay Kulmiye u dedaalayey waynu ogayn wixii ku dhacay ee la sheegayo in qaar ka mid ahi halkan ku dhinteen markii ay ka dhamaatay dawooyinkii ay siteen, waxaanu taageersanahay in guddi qaran la saaro oo ka kooban sadexda xisbi, labada gole iyo aqoonyahanka dalka.? Ayuu yidhi gudoomiyaha  madasha wada tashiga iyo toosinta qaranku.

WAJAALE NEWS DESK

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS