Madaxwayne Siilaanyo Oo Gaadhay Mardhawayd Magaaladda Burco | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Siilaanyo Oo Gaadhay Mardhawayd Magaaladda Burco
September 15, 2013 - Written by Wariye:

madaxwayne silaanyoBurco (Wajaale News) Madaxweynaha Somaliland oo Goor dhoweyd soo gaadhay Magaalada Burco iyo Soo dhoweyntii uGu ballaadhnayde oo uu kala Kulmay Reer Burco

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo socdaal shaqo ugu soo baxay Gobolad bariga ayaa goordhoweyd soo gaadhay magalada burco ee xarunt gobolka togdheer,Madaxweynuhu  waxa uu soo dhawayn aad u ballaadhan kala soo kulmay degmooyinka, iyo Tuulooyinka u dhaxeeya Berbera iyo Burco halkaas oo madaxweynaha ay si aad ah ugu soo baxeen bulsho weynta ku dhaqani deegamadaasi.
madaxweynuhu markii uu soo gaadhay Magaalada Burco waxa uu la kulmay dadweyne isugu jiray masuliyiin iyo arday oo illa saaka hareero taagnaa oo s dad weynuhu ay meel walba u tubnaayeen iyaga  oo madaxweynaha ku soo dhaweeyey Baabuurta noocyadeeda kala duwan Kuwa raaxada, Xamuulka iyo Baabuurta yar yar .
madaxweynuhu markii uu soo gaadhay Magaalada Burco waxa uu barxadda hore ee guriga martida kala hadlay kumannaan Dadweyne ah isago dhinaca kalena salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidmada qaranka guutada 12aad.

madaxweynuhu waxa uu shacabka reer burco uga mahadnaqay soo dhoweynta diiran ee aanay u kala hadhin, yar iyo weyn, Badhasabka gobolka togdheer  md: xamarji aya isna xusay in madaxweynuhu mudada kooban ee u gobolk joogo uu xadhiga ka jari doono mashaariic badan oo gobolka laga hirgeliyey, sidoo kalena dhagax dhigi doono mshariic cusub.
madaxweynaha waaxa socdaalkiisa ku wehelinyey Marwada Koowad ee Dalka Marwi Amina weris Maxamud JIrde, Wasiirrada Madaxtooyada, Xirsi Cali X.xasan, Warfaafinta C/laahi cukuse, Ciyaraha cali siciid reygal, Beeraha Faarax Cilmi Geedoole, waxbarshada samsam cabdi adan, degaanka iyo horumarinta reer miyigi Shugri X.Bandare, Wasirkuxigenk ganacsiga Bashir cabdi xariir, Afhayenk Madaxtoyada Dhuxul, Wasiirudawlayaal, agaasimyaal iyo Masuliyiin kale oo heer qaran, waxana  weftiga uu hogaaminaayo madaxweynaha loo gelbiyey oo hada ku sugan YIhiin Hotel City Palaza ee Magaalada Burco..

Wajaale News

Hargeysa Office

wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS