Madaxwayne Siilaanyo oo dhawaan Shaaca Ka Qaadi Doono Inuu Mar Labaad Isku Soo Taagi Doono Musharaxnimada Madaxwaynaha Kulmiye Ee Loolanku Ka Taagan Yahay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Siilaanyo oo dhawaan Shaaca Ka Qaadi Doono Inuu Mar Labaad Isku Soo Taagi Doono Musharaxnimada Madaxwaynaha Kulmiye Ee Loolanku Ka Taagan Yahay.
September 13, 2013 - Written by Wariye:

Hargeysa- (Wajaale News) – Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ilaa hada aan si Rasmiya ugu dhawaqin mawqifka uu ka taagan yahay Inuu mar labaad isu soo sharaxi doono jagada murashaxnimada xisbiga Kulmiye Uga qayb geli doona doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka Qabsoonto   horaanta 2015 ayaa la sheegay inuu dhawaan Madaxwayne Siilaanyo Daboolka ka qaadi doono mawqifkiisa ku aadan murashaxnimada Jagadaasi.

normal”>Sida ay Haatuf u sheegeen ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa Sheegay in Madaxwayne Siilaanyo daboolka ka qaadi doono mawqifka uu ka taagan Yahay u tartanka jagada musharaxnimo ee xisbiga Kulmiye oo ilaa hada ay Cadeeyeen in jadaasi ay musharax nimadeeda ay u tartamayaan gudoomyaha Xisbigaasi Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo iyaga loolankooda jagadaasi uu dhawrkii bilood ee u Danbeyey uu ka dhex taagnaa xisbiga Kulmiye. Madaxwayne Siilaanyo Ayaa dadka odorasa siyaasada ay u arkaan hadii uu mar labaad isu soo taago jadaga madaxwaynaha aanay cid kale kula tartami doonin Jagada musharaxnimada Madaxwaynaha ee xisbiga Kulmiye, Iyadoo Mustaqbalka hogaamineed ee Xisbiga Kulmiye iyo Musharaxnimada labada masuul ee uga qayb geli doona xisbigaasi Kulmiye doorashada

Madaxtooyada ay ku xidhan Tahay Natiijada ka soo bixi doonta shir waynaha Xisbiga Kulmiye ee Horaanta bisha Diisanbar 20013 La filaayo in uu dalka ka Qabsoomo Kaas oo lagu soo Dooran Doono Hogaanka Sare ee  Xisbiga Kulmiye Hogaamin doona mustaqbalka xisbigaasi. Waxaa kale oo la saadaalinayaa in musharaxnimada jagooyinkaasi madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka xisbigaasi Kulmiye golahii dhexe ee dooran lahaa murashixiinta lagu soo dooran doono Shirwaynaha Xisbiga Kulmiye ee qabaqabadiisu Socoto kaas oo isha lagu hayo xubnaha loo dooran doono jagooyinka Gudoomiyaha, Gudoomiye ku xigeenada iyo Xubnaha Gudiyada Fulinta iyo Golaha Dhexe oo Isagu Sharciyan soo doorta Murashixuunta Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku Xigeenka.

Dhinaca kale Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Ayaa la sheegay inay wadaan Olole Ay ku Doomayaan Sidii Madaxwayne Siilaanyo U Cadayn lahaa Go´aankiisa Musharaxnimo ee Jagada Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Loogu jiro. Wasiirul Dowlaha Maaliyadu Cismaan Saxardiid Cadaani oo isagu malintii Daraad Waraysi Siiyey Wargayska dawlada ee Dawan ayaa sheegay inaanu Xukuumad ahaan Madaxwaynahu Axmed Maxamed Siilaanyo Aanu U Cadaynin inuu isku soo Sharaxayo Jagada Madaxwaynaha iyo inkale, kaas oo horana isagu warbaahinta uga sheegay xubnaha loolamaya Kulmiye Inanay iska dhamaynin dhaqaalaha ay kaambaynka Ku Bixinayaan, Hase yeshee Ilo wareedyada ayaa intaaasi ku Daraya inay jiraan Xubno ka tirsan Golaha wasiirada oo Iyagu Hunguraynaya Jagooyinka Murashaxnimada Kulmiye,

Balse la sheegay inay ka dhur sugayaan mawqifka uu Madaxwane Siilaanyo ka qaato tartan labaad oo uu Isu soo taago Jagada Madaxtinimada, taas oo la saadaalinaayo hadii Madaxwayne Siilaanyo Isu Soo Taagi Waayo Musharaxnimada Jagada Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye in Murashaxiinta Jagadaasi Ay noqon Donaan kuwo Tiro badan, Hase yeeshee waxaa dhinaca kale la hadal hayaa in Madaxwayne Siilaanyo aanu ku Degdegi Doonin ku dhawaaqista mawqifkiisa murashaxnimo ilaa laga gaadhayo Shirwaynaha Xisbiga ee Soo socda.

 

Wajaale News

Hargeysa Office

wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS