|
|||||
WAJAALE NEWS
“Madaxwayne Qurba-joogu Waa Kuwii Kuu Ururin Jiray Qaadhaankii Aad Ku Soo Baxday” Maxamed Dirir Xoghayaha Warfaafinta WADANI.
September 11, 2013 - Written by Wariye:Hargeysa(Wajaale News) Xoghaya warfaafinta ee Xisbiga Mucaaridka Ah ee WADANI mudane Maxamed Xasan Dirir ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhibaatada maalintii shanaad haysata rakaabkii ku qornaa diyaaradii Itoobiyaanka ahayd ee dalka ka laa laabatay xaalada ay ku suganyihiina ku tilmaamay masuuliyadii dalka oo ay xukuumaddu gabtay,xoghaye Dirir oo maanta abaare 2:00 duhurnimo oo uu heer kulka Hargeysa marayey meelihii ugu saraysay ee uu gaadho isla markaaan ay ku duldhacaysay qoraxdaasi saxafada kula hadlayey waxa uu dib u xasuusiyey madaxwayne silanyo saddex sano ka hor iyo kaalintii ay ka qaateen halgankii uu ugu jiray kursiga oo maanta ku fadhiyo waxanu yidhi“Waxaanu joognaa halkii Ethiopian Air-line ay ku taalay xafiiskeedu saacaduna waa 2:00 Dhurnimo ee maalinimo waxaanu u nimi in aanu eegno jawigu sida uu yahay dadkan aan la dareeno xaalada ay ku jiraan,sidii aan shalay sheegnay in hantidii qaranka la lunsaday oo markii ay awoodi waayeen in ay diyaaraduhu soo fadhiistaan garoonkii diyaaradaha ee Cigaal International Airpot lagu qasbaayo dadkii shacabka ah ee raaci lahaana lagu qasbaayo ,waxaan halkan fariin u dirayaa xumkuumadda madaxwayne silanyo waxa weeye, waxaan leeyahay madaxwayne Qurba-joogu waa kuwii kuu ururin jiray qaadhaankii aad ku soo baxday ee aad dawladdii Rayaale kula tartantay,maanta milgahooda may ahayn in ay waayaan diyaarad ay raacaan musuq-maasuqa dalka ka jira dartii waxaan leeyahay sidii aan shalay hore u sheegnay mala waxa idiin roon in aad kursiga banaysaan oo aad u banaysaan cid dalka hogaamin karta” ayuu yidhi Mr Dirir. Sidoo waxa wax laga waydiiyey bal waxa ay ka ogyihiin xaalada Garoonka diyaaradaha ee ay su`aala badani ka soo baxayaan sababta ay u soo fadhiisan waayday diyaaradu”hantidii loogu tallo galay garoonka musuq-maamsuqbaa lagu sameeyay,shirkadd aan hore u jirin oo layidhaahdo Chine Group ayaa deg deg loo sameeyay markii ay lacagtu soo dhacday oo loo sameeyay xigtanimo oo loo sameeyay musuq maasuq diyaarad walibana waydiiday,laamaydaa madaxtooyada hor marta oo kale ayaa la mariyey waanan ka xunahay” ayuu yidhi maxamed Xasan Dirir xoghaya warfaafinta ee Xisbiga WADANI. – See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Madaxwayne-Qurba-joogu-Waa-kuwii-kuu-ururin-Jiray-Qaadhaankii-Aad-Ku-Soo-Baxday-Ee-Aad-Dawladdii-Rayaale-kula-TartantayMaxamed-Dirir-Xoghayaha-Warfaafinta-WADANI.html#sthash.UvI1D7Td.dpuf COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|