Madaxwaynaha Somaliya Ayaa La Soo Baxay Dhaqan Aad U Xun Waxaana La Arkay Isagoo Dhexda Ku Dhegan Katrina Ashton Oo Ah Xoghayaha Arimaha Dibada Ee Dalalka Yurub. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Somaliya Ayaa La Soo Baxay Dhaqan Aad U Xun Waxaana La Arkay Isagoo Dhexda Ku Dhegan Katrina Ashton Oo Ah Xoghayaha Arimaha Dibada Ee Dalalka Yurub.
September 21, 2013 - Written by editor
Madaxwaynaha Somaliya Ayaa La Soo Baxay Dhaqan Aad U Xun Waxaana La Arkay Isagoo Dhexda Ku Dhegan Katrina Ashton Oo Ah Xoghayaha Arimaha Dibada Ee Dalalka Yurub.

 

Waxaa Falkan Foosha Xun Cambaareeyay Dalal Badan Oo Islaam Ah, Waana Madaxwaynihii Ugu Horeeyay Ee Somali Ah Ee Waxan Oo Kale Sameeya


Hargaysa (WJN)-Dowladaha Islaamka ayaa cambeereeyay dhaqan xumida uu todobaadkan soo bandhigay Madaxweynaha Federaalka ee Soomaaliya Xasan .

Jariirada Al-Ahram ee ka soo baxda dalka Iiraan ayaa shalay qortay in Dowlada Iiraan ay aad ugu xumaatay hab dhaqankii foosha xumaa ee uu shirka Brussels ku soo bandhigay Xasan sh maxamuud kadib markii uu kala garan waayo dumarkii iyo Ragii shirka ku sugnaa.
Wasiir ku-xigeenka Cadaalada iyo Arimaha Islaamka ee Dalka Iiraan Kariim Akbar Marwaazi ayaa saxaafada u sheegay in waxyaabihii uu indhahiisa ku arkay ee ka dhacay shirka Brussels ay tahay wax aan indhaha lagu eegi karin , isagoo sidoo kale kula taliyay Madaxweynehe Federaalka ee Soomaaliya Xasan in uu Ilaahey u towbad keeno.

Dhanka kale Golaha Shuurada ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa iyaguna dhankooda wax lagu xumaado ku tilmaamay dhaqankii foosha xumaa ee uu sameeyay Madaxweyne Xasan , shirkii Brussules ka dhacay,
Shaashadaha Caalamka ayaa soo bandhigayay Mudane sh oo xabadka xabadka u saarayo haweeney ka tirsan Ururka Midowga Yurub, sidoo kale sawir kale ayaa muujinayay isagoo dhexda ku dhegan Katrina Ashton oo ah Xoghayaha Arimaha Dibada ee Dalalka Yurub.
Iyadoo dalka somaliya uu yahay dal islaam ah ayaa Xasan sh maxamuud uu noqday Madaxweynihii ugu horeeyay ee dhaqankaan foosha xun ee aan Asluubta laheen ee soo bandhigo.

 

WAJAALE NEWS DESK

 

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS