Madax dhaqameedka Beelaha Gabooye Oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamuusay Dhigooda Beelaha Gabooye Ee bariga sanaag
September 2, 2013 - Written by Wariye:
Hargaysa(Wajaale News):-Madax dhaqameedka Beelaha Gabooye ayaa hadhimo sharafeed ku maamuusay dhigooda Beelaha Gabooye ee Gobolka Sanaag.
Hadhimo sharafeedan oo ka qabsoontay Hoteel Hadhwanaag ee Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ugu horeyn hadal kooban ka soo jeediyay Suldaan Daakir Xasan Khaliif, waxaanu si aad ah ugu mahad celiyay Madax dhaqameedka ay manta hadhimo sharafeeda u sameeyeen.
waxa uu carabka ku dhuftay in madax dhaqameedkaasi ay si wanaagsan
ugu soo dhaweeyeen Gobolka Sanaag wakhtigii ay booqashada xaqiiqo raadinta ah u ku marayeen deegaamadaasi.
Isaga oo arrimahaasi iyo kuwo kaleba ka hadlayana waxa uu yidhi waxaanu maanta halkan si wanaagsan ugu soo dhawaynayaa salaadiinta iyo waxa garadka beelaha Gabooye oo ah waxa garadkii aanu ugu tagnay bariga sanaag oo siwanaagsan noogu soo dhaweyey anaguna maanta halkan ugu samayne hadhimo sharafeedkan ku macsuunay.
Suldaan daakir oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi raciyey,intayadaas suldaan boqor iyo waxa garadka beesha gabooye waxaanu isku soo raacnay runtii odayaashii sida qadarinta iyo xishmayntu ku dheehnayd ee idiinku soo dhaweyey bariga sanaag idinkuna maanta ugu soo dhaweeya mid soo dhawayntiinii la mid ah magaalada hargaysa.sidaas ayaa uu yidhi suldaanka guud ee beelaha gaboye suldaan daakir.
Dhanka kalen waxa isna halkaasi ka hadlay suldaan cali yuusuf (bada cas) waxaana uu yidhi,marka hore waxaanu aad ugu mahad naqaynaa suldaanada boqorada iyo waxa garadka beelaha gabooye oo maanta hadhimo sharafeedkan noogu sameyey huteel hadhwanaag ee hargaysa intaa ka bacdi saladiintan oo ah suldaanadii noogu yimi bariga sanaag saladiinta beelwaynta gabooye iyo la taliyaha madaxwaynaha iyo waxa garad koodaba aad iyo aad ayaanu idiinku mahada naqaynaa casuumada sharafta leh aad noogu soo dhawayseen marka hore,intaas waxa ii raaca sida uu sheegay suldaanku waanu is aragnay saladiinta iyo waftiga oo ceerigaabo noogu yimi.
Suldaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas raciyey,waxaanu maanta sidaas walaal tinimadu ku jirto ee bashaashka leh idiinku mahada naqaynaa angoo ah saladiinta waxa garadka beelaha bari ee Gabooye casuumada aad noo fidiseen,sidaas aad sheegteena xidhiidhkuna inoo wanaagsanaado shirwaynahaas aad ku baaqdeena aanu idin kala qaybe qaadano sida ugu wanaagsan hadaanu nahay beelwaynta Gabooye.sidaa ayaa uu yidhi