Maayarka Berbera Oo Ka Soo Jeeda Xisbiga UCID Oo La Sheegay In Laydha Kulmiye Qaadatay Iyo Xukuumadda Oo Xaflad Soo Dhaweyn Ah U Qaban-Qaabinaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayarka Berbera Oo Ka Soo Jeeda Xisbiga UCID Oo La Sheegay In Laydha Kulmiye Qaadatay Iyo Xukuumadda Oo Xaflad Soo Dhaweyn Ah U Qaban-Qaabinaysa
September 28, 2013 - Written by Wariye:

cabdishakuur maxamuudBerbera (Wajaale News) – Maayarka Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidi) iyo xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka ee degmadaasi ayaa ku biiray xisbiga Kulmiye ee muxaafidka ah, kaas oo dhaqdhaqaaqa Munaasibadda lagu soo dhaweynayo laga dareemayo Magaalada Hargeysa. Boodhadh lagu Daabacay Sawirrada, Magacyada iyo waliba xafladda soo dhaweynta Maayarka ayaa la sheegay in shalay laga daabacayey Madbacaddaha Boodhadhka waaweyn daabaca ee Magaalada Hargeysa. Maayir Cabdishakuur Maxamuud Cidi ayaa ka mid ahaa ,

xildhibaanadii Golaha Deegaanka uga soo baxay Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, waxaanu ahaa xildhibaan taageero badan ka haystay gobolka, gaar ahaan degmada Berbera ee uu ka soo baxay. Ma Cadda sababta ku kaliftay inuu ka digo rogto xisbigii uu kaga soo baxay Doorashada Golayaasha Deegaanka, balse wuxuu noqonayaa Maayarkii ugu horeeyay ee asxaabta mucaaridka ah ka tirsan ee ku biira Xisbiga Kulmiye. Waxaanay Wararku sheegayaan in Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Kulmiye ay ku sii jeedaan Magaalo xeebeeda Berbera si ay uga qaybgalaan soo dhaweynta Maayarka ee xisbiga Kulmiye Xisbiga Ucid , ayaa Doorashadii  Deegaanka Berbera ka ka helay xildhibaano tiro badan oo aqlabiyadda Golaha noqday, waxaanay ahayd sababta ay u heleen Guddoomiyaha  Golaha deegaanka oo xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye Loolan adag u galeen sidii ay uga faro-maroojin lahaayeen, balse akhirkii lagaga guulaystay. Maayirnimada lagaga guulaystay Xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda oo xiligaasi watay Maayirkii hore Cabdille Maxamed Carrab (Sandheere) ayaa  wakhtigaasi galaafatay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleban (Ramaax) oo fadhigii doorashada Guddoomiyaha oo ay xukuumaddu diidanayd furay. Si kasbata ha ahaatee talaabadan Kulmiye Maayarka Berbera ku soo jiitay, ayaa muujinaysa inaanay sidii xiligaasi uga hadhin in Maayarka magaalo-xeebeedaasi ka mid noqdo Xisbiyada Mucaaridka ah, iyadoo ay xusid mudantahay in Cabdalle Sandheere oo UDUB ahaa markii Kulmiye talada qabtay uu ku biiray

Wajaale News
Hargeysa Somaliland Office
Contect:Wajalenewa@gmail.com

COMMENTS
LINKS