Maareeyaha Xafiiska Sama-Falka Oo Si Sharci Darro Ah Xilkii Uga Qaaday Isku-Duwaha Samafalka Awdal & Selel, Xafiis Cusub Oo Aan Jirina Ka Abuurtay Selel | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maareeyaha Xafiiska Sama-Falka Oo Si Sharci Darro Ah Xilkii Uga Qaaday Isku-Duwaha Samafalka Awdal & Selel, Xafiis Cusub Oo Aan Jirina Ka Abuurtay Selel
September 22, 2013 - Written by editor
Maareeyaha Xafiiska Sama-Falka Oo Si Sharci Darro Ah Xilkii Uga Qaaday Isku-Duwaha Samafalka Awdal & Selel, Xafiis Cusub Oo Aan Jirina Ka Abuurtay Selel

 

Arrintan ayaa la sheegay in Ayaan Cali Cumar oo ahayd Isu-duwaha xafiiska sama-falka Gobolada Awdal Iyo Selel lagu qoonsaday raashin mucaawino ah oo ka yimid dalka turkiga


Hargeysa(WJN) – Maareeyaha xafiiska samofalka madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye ayaa soo saartay laba wareegto oo iskugu jira xil ka qaadis iyo magacaabis ay ku samaysay isku duweyaasha xafiiskeeda ee goboladda qaarkood.

Wareegtooyinkan waxay maareeyaha xafiiska samo-falka ay ku wargelisay Wasiirka dib u dejinta Somaliland. Waxaanay labadaasi qoraal ee ay soo saartay u dhignaayeen sidan:- “Aniga oo ah Maareeyaha Sama-falka, Aamina Maxamuud Diiriye, waxaan xilkii ay gobolka awdal u haysay isu-duwihii hore ee xafiiska sama-falku, Ayaan Cali Cumar aan kaga qaaday xilkii, laga bilaabo taariikhda warqadan ku suntan, aniga oo masuul cusubna u magacaabay xilkaasi una gartay inay ahaato laga bilaabo taariikhda maanta Nimco Aw Daahir Ducaale Isu-duwaha xafiiska Sama-falka ee Gobolka Awdal.

Waxa aan ku farayaa inaad si sharaf iyo masuuliyad leh aad ugu wareejiso masuulkaasi cusub xilkii aad u haysay xafiiska sama-falka, adiga oo mahadsan.”

Geesta kalena waxay Maareeyaha Samafalku ay soo saartay qoraal labaad oo u dhignaa sidan:- “Anigga oo ah Maareeyaha Sama-falka, Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, waxaan laga bilaabo taariikhda maanta u magacaabay Cabdilaahi Nuur Xasan inuu ahaado isu-duwaha Gobolka Selel ee xafiska sama-falka.”

Si Kastaba ha ahaatee, Arrintan ayaa la sheegay in Ayaan Cali Cumar oo ahayd Isu-duwaha xafiiska sama-falka Gobolada Awdal Iyo Selel lagu qoonsaday raashin mucaawino ah oo ka yimid dalka turkiga oo ay ka biyo diiday qaabkii loo maamulay taasoo sababtay in dacwad iyo been abuur laga faafiyay si loogu sameeyo xil ka qaadis

 

 

WAJAALE NEWS DESK

 

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS