|
|||||
WAJAALE NEWS
Maamulka Jaamacadda Timacadde oo 3 todobaad Dib u dhigay Xafladii Qalinjabinta Dufcada Koowaad ka dib markii Madaxweynuhu Codsaday Arintaasi.
September 28, 2013 - Written by editorMaamulka Jaamacadda Timacadde oo 3 todobaad Dib u dhigay Xafladii Qalinjabinta Dufcada Koowaad ka dib markii Madaxweynuhu Codsaday Arintaasi.
waxaanu idiinku yeedhaney oon talo ahaan kusoo jeedinayaa ina mudadaaa sadex todobaad ah dib loo dhigo, oo aynu sugno soo noqodka madaxweynaha maadaam ay ducadii ugu horeysay.”ayuu yidhi DR cisman aw yusuf
Gabiley(WJN) Kulan Balaadhan oo Dhexmarey Maamulka Jaamacada Tima-ade iyo Ardeyda Sanadkan Ka Qalinjabineysa Jaamacada Iyo maamulka heer Degmo ee Gabiley Oo Lagu Go,aamiyey Ina Xaflada Qalinjabinta Saddex Todobaad Dib Loo Dhigo, maadaama uu madaxweynaha Somaliland Axmed maxamed maxamuud siilaanyo uu socdaal ka dis ah oo danta qaranka ugu baxay dalka dibadiisa soona codsadey ina saddex Todobaad dib loo dhigo. Kulanka wada Tashadiga ah ee laga arinsanayey xiliga la qabanyo xaflada qalinjabinta ayaa ka dhacay hoolka jaamacada Tima-ade, waxaan kasoo qayb galey Gudoomiyaha jaamacada DR cismaan aw yuusuf magan, Gudoomiye ku xigeenka DR c/laahi cumar cige, Dhiinka jaamacada Prof maxamuud ogaadeen, Maayerka degmada gabiley shucayb maxamed muuse, Taliyaha saldhiga dhexe ee gabiley c/salable, macalimiinta jaamacada, Ardeyda sanadkan qalinjabineysa iyo ardayda dhigta Kuliyadaha kala duwan ee jaamacada. Ugu horeyn waxaa halkaasi ka Hadley gudoomiyaha jaamacda Tima-ade university DR cismaan aw yuusuf magan waxaanu ardeyda ku bogaadiyey sida wanaagsan ee ay uso dhamaysteen waxbarashadoodii, waxaanu ardeyda usoo bandhigey laba arimood, waxaanu yidhi” waxaanu idiinku yeedhaney oon talo ahaan kusoo jeedinayaa ina mudadaaa sadex todobaad ah dib loo dhigo, oo aynu sugno soo noqodka madaxweynaha maadaam ay ducadii ugu horeysay ay jaamacada ka baxayso,Maadaam aad tihiin ardeyda sanadkan ka qalinjabineysa jaamacada inaanu idinkala tashano inaanu xafladii qalinjabinta qabsano iyo inaynu sugno madaxweynaha madaam uu socdaal ka dis ah oo danta qaranka ugu baxay dalka dibadiisa soona codsadey ina sadex Todobaad dib loo dhigo.,hadii aanu nahay maamulka jaamacada waxaanu ku dadaalyaa oo aan albaab walba u garaacayaa sidii ay ardeydaa sanadka qalinjabineysaa ay shaqo u heli lahayd,Runtii anaga haba dhulka nagama yaalaan hadii aad tidhaah daan bari hala qabto waanu qabaneynaa, idinka ayey idinku xidhan tahay go,aanka aad gaadhaan , ilaahayna cilmigaa barateen ha idinku anfaco, dalkiina iyo dadkiiba ku anafaca ilaahay ha idinka dhigo.” Ayuu yidhi gudoomiyaha jaamacadu
WAJAAALE NEWS DESK
CONTACT US : Wajalenews@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|