Laba Buug oo uu Qoray Qoraa Nuuradiin Maxamed Yoonis oo Hageysa lagu soo Bandhigay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Laba Buug oo uu Qoray Qoraa Nuuradiin Maxamed Yoonis oo Hageysa lagu soo Bandhigay
September 18, 2013 - Written by Wariye:

P1030080Hargeysa (Wajaalenews:-Munaasibad Si Heer Sare Ah Loo Soo Agaasimay Oo Lagu Qabtay Hotel Mansor Ee Magaalada Hargeysa oo lagu soo bandhigayey Laba Buug oo uu qoray Nuuradiin Maxamed Yonis ayaa wax ka soo qayb galay dad weyne fara badan Masuuliyiin ka kala socoto Jamaacada Admas iyo Subar DATA oo ka gacan gaysatay Qaba qaban qaabada Munaasibadaasi iyo Sheekh Aaden Siiro iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn waxa halkaasi lagu soo bandhigay taariikhnololeedkii Qoraaga oo hore u ahaa Maacalin “Macalin Nuuradiin 17 kii sano ee ugu dambeeyey waxa uu ahaa macalin si fiican looga yaqaanaay wuxaana  lagu xasuustaa inuu ahaa markii ay ardaydu ku fadhiisan jireen macalimiintii wax u dhigi jiray ilaa imika laba sano ka hor ayuu inaga taga tagay waqtigaas oo uu dhigi jiray Dugsiyada Sare”. Ayuu yidhi mid kamida dadkii ay aqoonta dheer isku lahaayeen Qoraaga

P1030067

Sidoo kale waxaa  isna kadlay Sheikh Aadan Siiro oo ka mida culimada waawayn ee magaalda hargeysa waxaanu ku dheeraaday qiimaha uu leeyahay qoraalada noocan oo kale ahi waxaanu sheegay inay manaafacaad badan u yeelan doonto inbadan oo akhrisan doona waxaanu kubaaqay inuu ka qayb qaadan doono daabacaada si loobaahiyo Buuga si ay inbadan oo bulshadeena ka mid ahi uga faa’iidaystaan aqriskiisa  waxaanu yidhi “Nuuradiin waa dadka dhifta ah ee ay leedahay umadani ayuu ka mid yahay, waan ka gacan gaysan doonaa daabacaadiisa hadii alle idmo waanan soo dhawaynayaa laba sano ayuu inaga maqnaa waxaanu inoo keenay laba Buug”. Ayuu yidhi Aaden Siiro

P1030054

Xuseen Cabdilaahi Maxamuud Madaxweynaha Jaamacada Admas oo halkaasi ka hadlay ayaa  soo jeediyey in laga faa’iidaysto Buugaagtaasi isagoo ku dheeraaday qiimaha uu leeyahay qoraalku waxaanu sheegay inay jaacadu u asaasan tahay inay ka qayb qaadato Qoraalada waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxayaabaha ay jaacadu u asasan tahay ayaa ka mida ah waxan aynu caaw isugu nimid waxaad moodaa inay imika inoo soo baxayaa Qoraayo cusub Nuuradiin Iyo Buugaagta uu inoo keenayna waa arin ku dayasho mudan , Umadi waxay wax ku noqotaa umadeeda aqoonta leh oo ay dhawrto oo ay magac u yeesho, Caalamka inta magaca leh waxa heerkaas soo gaadhsiiyey dadkooda”.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Cali Cabdi Coomay oo ah Qoraa Reer Somaliland waxaanu sheegay inay fudud tahay markaa la akhrisanay buug uu qoray  shaqsi qoraa ahi laakiin ninka qoraaqa ahi wuxuu dareemi karaa dhibta uu leeyahay qoraalkani, waxaanu sii raaciyey intaasi inay ka sii baahin badan tahay marka wax lagu qoro afafka qalaad marka lagu qoro afgaaga hooyo, isagoo ku amaanay maadaamoo uu ku bilaabay Qoraalkiisa laba Buug taasi oo sabab uga dhigay inuu sii kordhin karo si dhakhso badan.

P1030044

Axmed Daahir Xasan  Guudoomiyaha naadiga akhriska oo Munaasibadan hadalo kooban ka soo jeediyey ayaa sheegay inay ka naadi akhris ahaan had iyo jeer taageeraan cidkasta oo wax qorta diyaarna ay u yihiin inay qoraalada wax ku soo kordhiyaan. Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Masuulka socday Shirkada Subar DATA Technology Xasan Maxamed Axmed oo dhaweeyey qoraaga labadaasi Buug.

 

Qoraaga Buugaagtan Nuuradiin Maxamed Yoonis oo ku dheeraaday marxaladihii uu kubilaabay Qoraalka ayaa waxa uu yidhi “Aniga oo aan wax qorida u dhuun daloolin ayey igu dhiiri galiyeen laba macalin oo iidhigi afka dalka aan ku noolaa markaa waxay ii direen 3 bilood magaalada qoraayada intaa kadib laba maalmoodbaan todobaadkii ka dhigi jiray kutub xarun islaamiya oo aan joogay, Su’aalo diiniya oo halkaasi igu waydiiyeen kadib markii aan jawaabtii ka helay shuyuukh aqoon u leh ayaan ka diyaariyey Buugii koowaad, waana Su’aalo uu qofkas taa u baahan yahya inuu jawaabtooda ogaado”. Ayuu yidhi qoraagu

Waxa kale oo uu isagoo hadalkiisa sii wata intaasi ku daray “Buuga labaad oo la yidhaa Fidmo iigamay Horeyn FaceBook waa sheekooyin badan oo aan ka soo ururiyey Dadkii ay ku dheceen markaa magaca Buugan waxaan ka keenay Inan(Gabadh) ayaa sheekadeedii ku soo gaba gabaysay Fidmo iigamay Horayn Facebook, waxa kale oo aan eegay dareenka ay ka qabaan dadka reer galbeedka ahi, waxaanay u badanyihiin inay iska xakameeyaan oo ay yareeyaan, sida wanaagsan hadii loo isticmaalo Facabuuk-gu ma xuma”. Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray inuu soo wado Buugaag Cusub waxaanu dhalin yarta ku dhiirigaliyey inay ku dadaalaan qorista.

Maamulaha Guud ee Dugsiyada IRSHAAD School oo munasiba hadalo kooban ka jeediiyey ayaa soo dhaweeyey Buugaagtan oo uu soo saaray Qoraaga Nuuradiin Maxamed Yoonis.

Maareeyaha guud ee wakaalda biyaha iyo Agaasimaha Wasaarada Cadaalada Somaliland oo  hadalo kooban ka soo jeediyay Munasibada lagu daah furayey Buugaagtaasi waxa ay aad u soo dhaweeyay labada buug ee qoraagu soo diyaariyay iyagoo sheegay inay qofkasta muhiim u tahay inay noloshiisa marka hore wax ka qoro si uu u tijaabo ilaa heerka ay gaadhsiisan tahay awooda uu qoraalka u leeyahay.

Ugu dambayntii waxaa halkaasi shaadooyin lagu gudoonsiiyey Madaxweynaha Admas iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caadalada kuwaasi oo ay bixisay Atoma Islamic Center

Wajaale News

Hargeysa/ Somaliland

 

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS