|
|||||
WAJAALE NEWS
Kuliyad Ingiriiska ku Taal oo Ardayda ka Mabnuucay Xidhashada Xijaabka Muslimiinta
September 12, 2013 - Written by Wariye:Britain(Wajaale News)-Maamulka kulleejkan waxay sheegeen in ay mabnuuceen niqaamka iyo xijaabka qarinaaya jidhka dumarka oo dhan, isla markaana haweenaydu muujiso indhaha oo klaiya. Ardayda muslimiinta ah ee dhigata kuliyad ku taal magaaldaa Birmingham ee dalka Ingiriiska oo la yidhaa Metropolitan College, ayaa laga mabnuucay inay soo xidhaan xijaabka haweenku isku asturaan. Waxaana ardaydan lala socodsiiyey inay iska bixiyaa niqaamka iyo xijaabka asturaaya, kadib markii maamulka kulleejkaas ku dooday in ay amniga dartii u sameeyeen midab-takoorkaas ku wajahan muslimiinta. Ardayda badankooda ayaa go?aankan aad uga hortimi, isla markaana ku tilmaantay wax laga xishoodo. Maamulka kulleejkan waxay sheegeen in ay mabnuuceen niqaamka iyo xijaabka qarinaaya jidhka dumarka oo dhan, isla markaana haweenaydu muujiso indhaha oo klaiya. Go,aankan iyo sharcigan cusub wuxuu jebinaya xorriyadayda iyo kuwa saaxiibadayda kale ee xidha xijaabka iyo niqaamkaba, waxaana na loo sheegay inanaan kulleejka ku dhex idhan karin, dhab ahaantiina dooni maayo inaan tago meel aan la iga aqbalayn sida aan ahay, balse arrinkan wax go?aan ah kama gaadhi karo, ayey tidhi Imaam oo ka mid ah ardayda kulleejkaas ee adka uga soo horjeestay go?aankan cusub. Ardayad kale oo diiday in magaceeda la xuso oo 17 jir ah ayaa sheegtay inay aad uga murugaysan tahay siyaasadan cusub ee lagu soo rogay dadka hablaha muslimiinta ah, waxaanay tidhi; ?Waa arrin ku salaysan dookh shakhsiyeed, marka aad baan u naxay in kulleejka Birmingham oo dad kala dhaqan iyo diimo ah dhigtaan arrinkaa lagaga dhawaaqay.? Philip Hollobone oo ah xildhibaan Ingiriisk ay ayaa tilmaamay in go?aankan ka soo horjeeda nidaamka dadka Ingiriiska ah u nool yihiin oo ku salaysan dhaqanno kala gedisan, Dame Christine Braddock o oah maamulka kulleejkan iyo guddoomiyaha guddia fulina, ayaa sheegtay in siyaasadan lagu saleeyey sidii loo ilaalin lahaa amniga ardayda, qof kasta oo kulliyada soo galayaana loo aqoonsan lahaa. Madaxweynaha Ururka Muslimiinta dalka Britain Cumer El-Hamdoon ayaa sheegay in ardaydu aqbalaan siyaasadan si amnigooda loo sugo, waxbarashadoodana u wataan. Wajaale News Related posts:Safiirka Dalka Jabuuti Oo Si Adag Uga Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Qaar Ka Mid Ah Siyaasiyiin Reer ... Xildhibaan Garyaqaan Mustafe Axmed Oo Katirsan Xisbiga Kulmiye Ayaa Shaaciyay In Uu Taageerayo Shi... “Markii Aan Xidhaa Waxaa Laga Sheegayay, In Madaxwaynaha Dalka Haysta Uu Lahaa Mid gaankaa Yar, Ayaa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|