Kalfadhigii Shanaad Ee Golaha Dagaanka Degmada Saylac Oo Maanta Si Rasmi Ah U Furmay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kalfadhigii Shanaad Ee Golaha Dagaanka Degmada Saylac Oo Maanta Si Rasmi Ah U Furmay.
September 3, 2013 - Written by Wariye:

Saylac(Wajaale News)-kal fadhigii shanaad ee golha dagaanka dagmada saylac ayaa maanta si rasmi ah uga furmay hoolka shirarka ee dagmada saylac

halkaasi oo ay ka soo xaadireen xildhibaanada golaha dagaanka intoodii badnayd halka qaar kalena maqnayeen balse sida uu mayarka dagmadu sheegay ay soo gaadhi doonaan inta aanu xidhmin kal fadhigaasi

Kal fadhigan aya waxa shir gudoominayay duqa dagmada saylac isagoo halkaasi ku soo bandhigay ajandaha shirka lagaga doodi doono mudada uu socdo sida oo kale duqa dagmada saylac xuseen iidle barkhadle wuxuu ka waramay golaha hortiisa waxyabihii mudadii xilka uu hayay qabsoomay iyo waxyaabaha kale ajandaha ugu jira inay qabsoomaan
Ka dib shir gudoonka golaha deegaanka dagmada saylac mudane xuseen iidle barkhadle waxa uu ku dhawaaqay in maanta oo bisha ay tahay sep; 03/ 2013 inuu si rasmi ah ugu furmay kal fadhigoodii shanaad maadama uu kooramku buuxo inkasta oo uuna cayimin mudad uu kal fadhigani socon doono intaasi ka dibna waxa si toosa ugu bilaamay doodii golaha ay kaga doodayeen ajandaha horyaala
Si kastaba ha ahaatee kal fadhiga shanaad ee golaha dagaanka dagmada saylac ee maanta sida rasmiga ah uga furmay hoolka shirarka dawlada hoose ee dagmada saylac ayaa ah mid aad u xasaasi ah oo dadku u dhago taagayaan waxa ka soo bixi doona balse lama garanayo xiliga uu soo gabo gaboobayo iyo waxa uu ku soo dhamaanayo.

 

Wajaale News

Office Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
LINKS