Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Digay Dhul Gariir Ka Dhalan Kara Haddii Ay Xukuumaddu Xidh-xidho Siyaasiyiinta Madasha Wada tashiga. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Digay Dhul Gariir Ka Dhalan Kara Haddii Ay Xukuumaddu Xidh-xidho Siyaasiyiinta Madasha Wada tashiga.
September 20, 2013 - Written by Wariye:

jamaal cali xuseenHargeysa (Wajaale News) musharaxa madaxweynaha ee xisbiga cadaalada iyo Daryeelka ee UICD Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa xukuumada uga digay waxa uu ugu yeedhay qorshe ay xukuumaddu ku inay xabsiga ku guyrto siyaasiiyinta cul-culus ee ku bahoobay madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka ee xukuumadda madaxwayne silanyo ku noqotay falaadh lagu sii ganay.Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo maantan la hadlayey Telefishanka HCTV waxa uu sheegay inay siyaasiyinta ku midoobay madasha wada tashiga iyo toosinta qaranku ay xuquuq badan ku leeyihiin dalka isla markaana xadhig lagula kacaa ay dalka ka abuurayso dhibaatooyin fara badan oo dalka ka dhaca, waxaanu sidoo kale ka digay xeerka ay xukuumadu hor keentay golaha wakiilada ee la xidhiidha cashuurta lagu kordhinayo xoolaha nool iyo gaadiidka.
Waxaanuu yidhi isagoo labadaasi arrimoodba ka hadlaya” waxa jira inay xukuumadu doonayso inay xidho odoyaasha madasha wada tashiga iyo toosinta oo ah xubno karaamo iyo sharaf ku leh dalkan una soo halgamay mudo badan wax badanka ka soo qabtay,takale xeerkan Golaha horyaala dastuurka Somaliland waxa uu sheegayaa inaan qofi nta loo xidhi karin sifo siyaasadeed balse loo marayo shuruucda dalka, anigana waxay ila tahay inaanay xukuumadu ku talaabsan arinka noocaas ah, waxaanan xukuumada u soo jeedinayaa inay ka digtoonaato xadhig ay kula kacdo xubnaha madasha wada tashiga iyo toosinta” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Ucid oo ka hadlaya xeerka cashuuraha ku kordhinaya xoolaha nool iyo gaadiidka ee wasiirka madaxtooyadu hor keenay mudanayaasha golaha wakiilada ayaa waxa uu yidhi ?qodobka cashuuraha ee la doonayo in loo saaro wadooyinka waliba xoolaha nool, qodobka 14-aad ee dastuurka Somaliland in mar kasta oo cashuur la kordhinayo la eegayo maslaxada iyo danta umada waxa ay ku jirto, waxa aynu ognahay inay dadka Somaliland haysato dhibaato badani iyada oo ay dalka ka jirto dhaqaale darro, xukuumaduna intii ay talada haysay dhawr jeer ayey cashuuraha kordhisay, wadooyinka magaalada Hargeysa dhex maraana marka aan meel kalaba laga dayin waa kuwo aad u liita”Ayuu hadalkiisa ku yidhi.

Wajaale News

Hargeysa Office

Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Digay Dhul Gariir Ka Dhalan Kara Haddii Ay Xukuumaddu Xidh-xidho Siyaasiyiinta Madasha Wada tashiga.

September 20, 2013 – Written by Ahmed Ali

jamaal-cali-xusenHargeysa (Saaxilnews) musharaxa madaxweynaha ee xisbiga cadaalada iyo Daryeelka ee UICD Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa xukuumada uga digay waxa uu ugu yeedhay qorshe ay xukuumaddu ku inay xabsiga ku guyrto siyaasiiyinta cul-culus ee ku bahoobay madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka ee xukuumadda madaxwayne silanyo ku noqotay falaadh lagu sii ganay.Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo maantan la hadlayey Telefishanka HCTV waxa uu sheegay inay siyaasiyinta ku midoobay madasha wada tashiga iyo toosinta qaranku ay xuquuq badan ku leeyihiin dalka isla markaana xadhig lagula kacaa ay dalka ka abuurayso dhibaatooyin fara badan oo dalka ka dhaca, waxaanu sidoo kale ka digay xeerka ay xukuumadu hor keentay golaha wakiilada ee la xidhiidha cashuurta lagu kordhinayo xoolaha nool iyo gaadiidka.

COMMENTS
LINKS