Haweeney Xijaaban Oo Loogu Soo Qaylyay Sayigeeda Oo Dhaawacmay Oo Loogu Sii Dayn Waayay Dhakhtarka UN-ta Ee Hargeysa Maadaama Oo Ay Niqaabnayd | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Haweeney Xijaaban Oo Loogu Soo Qaylyay Sayigeeda Oo Dhaawacmay Oo Loogu Sii Dayn Waayay Dhakhtarka UN-ta Ee Hargeysa Maadaama Oo Ay Niqaabnayd
September 3, 2013 - Written by editor
Haweeney Xijaaban Oo Loogu Soo Qaylyay Sayigeeda Oo Dhaawacmay Oo Loogu Sii Dayn Waayay Dhakhtarka UN-ta Ee Hargeysa Maadaama Oo Ay Niqaabnayd

 

Haweenaydan iyo caruurteeda ayaa soo gaadhay dhakhtarka markii loo sheegey in ninkeeda dhaawac

Hargeisa(WJN)- Haweenay xijaaban oo uu qabo nin u shaqeeya UN-ta oo dhaawac soo gaadhay lagaga daweenayay dhakhtarka UN-ta ee Hargeysa ayaa loo diiday inay u gudaha u gasho dhakhtarka maadaama oo ay xijaabnayd.
Haweenaydan iyo caruurteeda ayaa soo gaadhay dhakhtarka markii loo sheegey in ninkeeda dhaawac soo gaadhay isagoo shaqada jooga, kadibna si gurmad dagdag ah loogu sameeyo loola soo cararay dhakhtarka ay UN-ta shaqaalaheeda laga daweeyo eek u yaala Xaafadda Shacabka.
Markay soo gaadhay iyadda iyo caruurteedii ayay security-ga xayndaabka dhakhtarku ku amreen inay gasho qolka dumarka si loo baadho, markaas oo ay u sheegeen qaraabadii ninka dhaawacan ee la socdayna inayna u socon karin gudaha oo iyadda kaligeed loo siin dayn doono si ay usoo eegto.
Siday sheegeen qaraabadii la socotay, hawaynaydii ayaa lagu amray inay iska saarto niqaabkay sidatay si loosii daayo, taas oo ay ka cudur daaratay. Kuna war galisay inay iyadu iska joogayso, lakiin ay ku badaaan wiil keeda oo la socday.
Taasna way ka diideen oo waxay u sheegeen in iyadda uun ay sii daynayaan hadii ay fuliso amarkooda oo ay niqaabka ay xidhan tahay iska faydo, iyagoo sabab uga dhigaya in ay qof ayna wajigiisa arkaynin aanu sharcigu u ogolayn in uu gudaha galo, inkastoo inay ku jirtay qofka baadhitaanka dumarka ay ka dalbatay oo ay iskaga fayday Askariyadii gabadha ahayd ee baadhaysay.
Gaadhkii dhakhtarku waxay u sheegeen inay fulinayaan amar ay ka haystaan xaga sare ayna cidna usii daynaynin, halkaas ayayna qoyskii u socday inay ogaadaan ninkii dhaawacnaa ilaa intuu soo baxayay ee baadhitaanka loo dhamaynayay mudo saacad ah dibadda lagu hor taagnaa.
Siday ay sheegeen qaraabadda gabadhan la socotay, Xataa cid warkiisa wada oo dhakhtarka baadhitaanka matalaysaa in ayna dibadda ugu soo bixin si ay warbixin uga siiso xaaladda caafimaad ee dhibanaha dhaawacan.

 

 

WAJAALE NEWS DESK

 

CONTACT US : Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS