HANBALYO IYO DUCO KU SOCOTA BEELWEYNTA SACAD MUUSE SUBEER AWAL EE QABSATAY SHIRKA HOODAALE. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
HANBALYO IYO DUCO KU SOCOTA BEELWEYNTA SACAD MUUSE SUBEER AWAL EE QABSATAY SHIRKA HOODAALE.
September 24, 2013 - Written by editor
HANBALYO IYO DUCO KU SOCOTA BEELWEYNTA SACAD MUUSE SUBEER AWAL EE QABSATAY SHIRKA HOODAALE.

 

Bal tix-raac halkaan maro,
Tukayaasha duulaa, Warka waysu tebiyaan,Waa af-tahan Qudhaanjadu
Geeluna tawaawaca, Kolka biyaha loo tubo,Way is tibaax-yaqaannaa…

WAXAAN HALKAN SALAAN IYO DUCO UGA DIRIYNAA BEELWEYNTA SACAD MUUSE SUBEER AWAL WAXAAN KU SALAAMAYAA SALAANTA ISLAAMKA ASCWW.

Salaan ka dib waxaan xusayaa ama maxaa dhacay ee Sacad Muuse is ku haystaan ee Shirku u Qabsoomi waayey? Su ‘aashaa waxaan odhan karaa wey siyaasadeysan tahay oo looga faa’ iideysanayo kala qeybsanaanta Beelweynta Sacad Muuse hadaba .
Sebenkii xumaadaba ragbaa sahayda naanays
Ninka xadhig surmeeyow waxa socota taariikh
Cirkaa qabar sanaacigu kaa sawirayaaye”
________________________________________”Caalinoow Ta’ iyo Woow,
Bal tix-raac halkaan maro,
Tukayaasha duulaa,
Warka waysu tebiyaan,
Waa af-tahan Qudhaanjadu
Geeluna tawaawaca,
Kolka biyaha loo tubo,
Way is tibaax-yaqaannaa.” Erayadii Alla hownaxasiitee Maxamed Xaashi Dhamac(Gaariye
Biyo daateyba dabadeed la qabey baa hore looyidhi hadii maanta dib loo soo nooleeyey in lays kugu yimid waxaa waajib ah in aan u mahad naqno raga isku xil qaamey dhameystirka khilaafkii soo jiitamey hadaba waa ILAAH mahadii ee waan soo duceyneynaa ,Waxa kale oo aan jecelahay inaan in yar dib ujaleeco taariikhda reerka Shirkii ugu waynaa waxa ka mid ahaa inta aan ka xasuusa ahay maanta.
1840-kii oo ka dhacay Hargays
Shirkii 1946 kii oo ka dhacay Hargeysa.
Shirkii 1952-kii oo ka dhacay dooxa Hargeysa
Shirkii 1962-kii oo ka dhacay Gabiley
Shirkii 1967-kii oo ka dhacay Geed-deeble (waqooyiga Hargeysa)
Shirkii 1990-kii oo ka dhacay Harta Sheekh

waxaan kale xusi karnaa taariikhda ay beelweynta ku lahaayeen dib isku taagtii Somaliland oo ay ka ahaayeen reerihii qaybata laxaadka leh ka qayb qaatey waxaa ka mid ahaa 1)shirkii boorama oo ay bixiyeen kharashkii ku baxay 2)shirkii Burco oo iyana ay bixiyeen kharashkii ku baxay ama lacagtii lagu qabtey shirkaa wakhtigii adkaa ee lagu jirey waxaan arintan aan u iftiimiyey halka dadka iyo dalkaba yihiin dad mudan in lataageero oo aan loo arag dad cid duulimaad ku ah .oo taageersan Qaranka Somaliland waxa kale intaas dheer amba la xusi karaa xukuumadan uu hogaamiyo Madaxweyno Axmed Maxamuud Siilaayo waxay ahaayeen beeshii codka ugu badan siisay waxan hubaa oo run ah ,oo aan xasuustaa in markaan qiyaaso ee codka latiriyey ay noqdeen kala badh codka Somaliland oo dhan. waxaan ujeedaa in isleekaayeen Somaliland iyo beesha Sacad Muuse sidaa derteed waxaan odhankarnaa waxa shiraya Qarankii Somaliland oo danbaa ugu jirta isku imaashaha . xukuumada oo waxay la qaban doonaan waxii xukuumada ka dhiman ama ay qaban kari weydey sida horumarinta ama dayactirka meelaha baahidu ka jirto sida.

Wadooyinka,iskuulada,caafimaadka, dekadaha,beeraha,biyo xidheenada iwm.

sidaa derteed waxaan ka cod sanayaa xukuumada in ay taageerto.waxa kale oo Talo ku darsanayaa beesha shirku in laga qaadaa dhigo marka hore in iska ilaashaan waxa khilaaf ah oo danbe oo dibada u soo baxa wixii hore waxaan u qaadaneynaa reer magaal nimada inay ugu wacan tahay. Inaad ka talisaan sidii loo horumarin lahaa deegaankiina. in aad ka hadashaan in jiritaanka Somaliland yahay muqadas ama lama taabtaan.
in aad beelaha kale oo aynu jaarka nahay nabad lagula noolaado.
in la difaaco qaranimada Somaliland naf iyo maalba .
in la taageero go,aamada xukuumada ee ku waajahan wax qabadka
in aan khalad laga fahmin waxa loogu yeedho siyaasad ama waxa aytahay siyaasadu
siyaasadu waa talo ama maslaxad ku wajahan umad ,waxa dadka qaar u yaqaan khayaamo iyo been maaha sidaas waxaan leeyahay siyaasad aduunka aynu ku noolnahey ayaa ku dhisan .
Xoghayaha beelweynta Sacad Muuse Subeer Awal Uk
Guul iyo Gobonimo by
Axmed Aadan Mooge

COMMENTS
LINKS