Halka Deyr Wakhtigu Dhigo Dib Baa Looga Sheekayn ! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halka Deyr Wakhtigu Dhigo Dib Baa Looga Sheekayn !
September 10, 2013 - Written by Wariye:

Qoraa: Faysal  Cumar Madar ( Faysal Qumuj)
  
Waxaad moodaa dalkeena in maalin maalin aanu ku darayn dib udhaca iyo ragaadinta aynu inagu gacmaheena ku kasbanayno waayo? Waxa aynu wada ognahay in dalkii isku badalay shirkad nooceedu ku cusubyahay dunida aynu ku nool nahay, waxa aad yaabaysaa dal dhan oo ku heshiisa in markasta wuxuun dhinaadaan waa nasiibdaro inugu dhacday . waxaynu qiilka dhiganaa dalyaroo curdinoo aan isku filnayn ayay nu nahay oo aan duniduna wax gacana ka helin. Hadiiba ay taasi jirto oo ay hadii hadii noqon waydo maxaa kaaga meelyaala adiga dal ahaan iyo dad ahaanba.

Musuqa iyo qaraaba kiilku Somaliland ma la dhasheen mise iyagaa gacmahooda ku kasbaday maxaa keenay in ay madaxweyne wasiiradadu kuu kala mudnaadaan maxaa keenay madaxweyne in ay kugu filaato in yarood ehel tihiin, waxaan muran lahayn in aad isku badal kasta reebto inta laguu tirinayo ama cidkuugu xigta waxa wax laga xumaado ah in ay 3da wasiir wax kasta oo ay qabtaan mugdi iyo musuq kamuuqdaan. Siday madax weyne ku latahay hadii layidhaa ma kugu filan tahay Gar-adag iyo Caynabi?. Wuxuu yidhi ooyi doonow aayar jog baleeg hada akhriste qodobadan :

In mashruucii ugu weynaa ee abid laynagu caawiyo ee dunida aynu ka iibin lahayn dadkii kala garan waayaan in sidiisii loo fuliyay iyo in kale oo laga dhigo meherad keentay alaab cusub oo xayaysiinaysa oo habeen walba aad arkayso wasiirkii oo TVga lataagan wakasoo maantana waxa timi diyaarad hebla ma wax laqaataa taasi miyaanay ahayn waxa la inoo siiyay in ay ahayd in aan dhisono AIRPORT caalamiya oo stander ka dunida leh mise waa in laynoogu celceliyo sida biyo sufeeyaha. Anigu waxaan ka baqayaa ninkaa hulaabta xumi in uu ku haligo qurba joogaa ama dadka reer Somaliland oo ay diyaaradi meeshaa ku haliganto alle inaguma keenee.
Bal madaxweyne hadaad joogto waxaad ila eegtaa mashaariicdan shidaal qodista ee aad yarkiina ku kaliyaysay ee aad maalinwalba maqlayso tuulo heblaayo ama degmo heblaayaa ka hortimi hawlahi shidaalka maxaa keenay ayaad umalaynaysaa dadku waxay u haystaan ahmadow in ay reerkiinu waxan iska wataan oo aanay ahayn wax umadu wada leedahay waayo dadkii waxa ay arkayaan golihii wakiilada oo kaa baryaya waar na horkeena heshiisyadii iyo qorshayaashiisii taasina waxay keentay in laga horyimaado.
Waxa hadana igasii yaabiyay markaan arkay waxa mashaariic turkigu ka fuliyay Somalia ee aan inagana wali aanan maqal halkaa mashruuc ayuu turkigu inagu caawiyay, waxa lagawada dharagsanaa in aad hore uga tidhaahdeenwarbaahinta in turkigu inaga caawinayo wadooyin oo aad markaa tidhaahdeen waar anaga waxaad nagu caawinayso noo kaashee waxaana  laga wada dharagsan yahay in aad  suulcawro wadooyinka qaybteeda lacagta hooskeentay oo uu isagu maamulo, ku dhawaad waxaad sheegteen in (40 million dollar) uu wadooyinka turkigu inagu siiyay  meeday madaxweyne? Hadii laga tagi waayo waxaanu kahaynaa 27km uu  sidii kuu idiin cadad ahayd uu dhagax dhigay oo goor ay fuli alle ogyahay.

Hadii siilaanyo uu inagu sii dayay kuwadan yaryar maxaa xigi ee aad filaysaa. Waxa xigi in suulro dalka lawareego sidii aad doraadba arkaysay in uu qudbadihii ay madaxweynayaashu ka hor akhriyi jireen golayaasha oo uu xataa si badheedha u lahaa waxaan labada gole uga mahad naqayaa, waxa kale oo dhici karta in qaran ku halis galo oo uu burbur ku dhawaado.

Aniga waxay talo iga tahay laba qodob mid uun waatan koowaade in ay shacabku isku tashadaan oo ay meesha ka tuuraan xukumadan aan nooceeda hore loo arag iyo waa takalee waa in aynu dunida ka raadino cid aqoon uleh xukumada caruurahoodo afduubaan iyagoo kursiga fadhiya madaxdii ladoortay ama waa in aynu odayga si toosa loolahadlo oo layidhaa madaxweyne waanu ku aragnaye waa wax dhici karee side ayaanu wax kuula maraynaa.

Waxan kusoo afmeeri lahaa tixo kamida maansadii dabadyaal ee hadraawi

Dadka aad ka dhalatiyo

Dalka aad u dhalatiyo

Nin la yidhi danta u tali

Hadan laga dabqaatiyo

Diric iyo fariid noqo

Dibin daabyo ku ogow

Duco iyo xusuus iyo

Duug aad ka dhaxashide

Xilka daacad ugu hay

Ha dullayne gaadhsii

Meeshay daraaddeed

U galeen dagaakii

Diiftiyo kulka lahaa

Dib u dhaca ka maaree

Dumar iyo rag hawl geli

Kartidooda deeqsii

Derjow sugnaatoo

Guul baa u dagatee

Alla doori saw kaa

Darka jiidhay Maaweel!

Waxaan dooddi kaga baxay

Hdalkana ku daa idhi

Nin dab liqay Rashiidow

Dhuxul buu ka daacaa

Ma darmaanta booddee

Didday baan u jeedaa?

Ma daliilka muuqdiyo

Dhamac hoos ka darartoo

Is dallaallimaysiyo

Danbas baan aqaannaa?

Halka Deyr wakhtigu dhigo

Dib baa looga sheekayn

Kaddaraa u magac bixin

Faysal cumar madar (faysal qumuj)

Qumuj81@hotmail.com

Wajaale news
Office Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
LINKS