|
|||||
WAJAALE NEWS
Halka Deyr Wakhtigu Dhigo Dib Baa Looga Sheekayn !
September 10, 2013 - Written by Wariye:Qoraa: Faysal Cumar Madar ( Faysal Qumuj) Musuqa iyo qaraaba kiilku Somaliland ma la dhasheen mise iyagaa gacmahooda ku kasbaday maxaa keenay in ay madaxweyne wasiiradadu kuu kala mudnaadaan maxaa keenay madaxweyne in ay kugu filaato in yarood ehel tihiin, waxaan muran lahayn in aad isku badal kasta reebto inta laguu tirinayo ama cidkuugu xigta waxa wax laga xumaado ah in ay 3da wasiir wax kasta oo ay qabtaan mugdi iyo musuq kamuuqdaan. Siday madax weyne ku latahay hadii layidhaa ma kugu filan tahay Gar-adag iyo Caynabi?. Wuxuu yidhi ooyi doonow aayar jog baleeg hada akhriste qodobadan : In mashruucii ugu weynaa ee abid laynagu caawiyo ee dunida aynu ka iibin lahayn dadkii kala garan waayaan in sidiisii loo fuliyay iyo in kale oo laga dhigo meherad keentay alaab cusub oo xayaysiinaysa oo habeen walba aad arkayso wasiirkii oo TVga lataagan wakasoo maantana waxa timi diyaarad hebla ma wax laqaataa taasi miyaanay ahayn waxa la inoo siiyay in ay ahayd in aan dhisono AIRPORT caalamiya oo stander ka dunida leh mise waa in laynoogu celceliyo sida biyo sufeeyaha. Anigu waxaan ka baqayaa ninkaa hulaabta xumi in uu ku haligo qurba joogaa ama dadka reer Somaliland oo ay diyaaradi meeshaa ku haliganto alle inaguma keenee. Hadii siilaanyo uu inagu sii dayay kuwadan yaryar maxaa xigi ee aad filaysaa. Waxa xigi in suulro dalka lawareego sidii aad doraadba arkaysay in uu qudbadihii ay madaxweynayaashu ka hor akhriyi jireen golayaasha oo uu xataa si badheedha u lahaa waxaan labada gole uga mahad naqayaa, waxa kale oo dhici karta in qaran ku halis galo oo uu burbur ku dhawaado. Aniga waxay talo iga tahay laba qodob mid uun waatan koowaade in ay shacabku isku tashadaan oo ay meesha ka tuuraan xukumadan aan nooceeda hore loo arag iyo waa takalee waa in aynu dunida ka raadino cid aqoon uleh xukumada caruurahoodo afduubaan iyagoo kursiga fadhiya madaxdii ladoortay ama waa in aynu odayga si toosa loolahadlo oo layidhaa madaxweyne waanu ku aragnaye waa wax dhici karee side ayaanu wax kuula maraynaa. Waxan kusoo afmeeri lahaa tixo kamida maansadii dabadyaal ee hadraawi Dadka aad ka dhalatiyo Dalka aad u dhalatiyo Nin la yidhi danta u tali Hadan laga dabqaatiyo Diric iyo fariid noqo Dibin daabyo ku ogow Duco iyo xusuus iyo Duug aad ka dhaxashide Xilka daacad ugu hay Ha dullayne gaadhsii Meeshay daraaddeed U galeen dagaakii Diiftiyo kulka lahaa Dib u dhaca ka maaree Dumar iyo rag hawl geli Kartidooda deeqsii Derjow sugnaatoo Guul baa u dagatee Alla doori saw kaa Darka jiidhay Maaweel! Waxaan dooddi kaga baxay Hdalkana ku daa idhi Nin dab liqay Rashiidow Dhuxul buu ka daacaa Ma darmaanta booddee Didday baan u jeedaa? Ma daliilka muuqdiyo Dhamac hoos ka darartoo Is dallaallimaysiyo Danbas baan aqaannaa? Halka Deyr wakhtigu dhigo Dib baa looga sheekayn Kaddaraa u magac bixin Faysal cumar madar (faysal qumuj) Qumuj81@hotmail.com Wajaale news Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|